Shaqaale saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda Cathay Pacific oo dul maraysay Japan ayaa ku warramay in ay arkeen wax ay uga shakiyeen gantaalkii ay toddobaadkii hore ridday Kuuriyada Waqooyi, sida ay shirkaddu sheegtay.
Shirkadda ayaa BBC-da u xaqiijisay in shaqaaluhu ay arkeen wax ay uga shakiyeen in uu yahay gantaalka oo dib ugu soo hoobanaya dhanka dhulka.
Waxay shirkaddu intaas ku dartay in aysan wax isbadal ah ku samaynin marinnadii ay diyaaradaheedu adeegsan jireen.
Bishii Nofembar 29dii ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal riddo dheer oo ay sheegtay in uu gaari karo meel kaste oo dalka Maraykanka ka mid ah.
- Maxaynu ka naqaanaa gantaalkan cusub ee ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi?
- Maraykanka : “Awood baan u adeegsan doonaa” arrinta Kuuriyada Waqooyi
- Japan: ‘waa khatar aan caadi ahayn gantaalka Kuuriyada Woqooyi’
Tijaabadaas ayaa sii kicisay xiisaddii kala dhaxaysay Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka kuwaas oo Isniintan billaabay dhoolatus milatari, Kuuriyada Waqooyi ayaana arrintaas ku tilmaantay daandaansi kama dambays ah.
Pyongyang ayaa gantaalka ay tijaabisay 29 Nofembar ku tilmaantay “gantaalkii ugu “awoodda badnaa” wuxuuna ku dhacay biyaha Japan, laakiin wuxuu sare u kacay meel ka saraysa kuwii ay Waqooyigu horay u riday oo dhan.