MADAXWEYNE DONALD TRUMP OO TALLAABO KA QAADAYA KUURIYADA WAQOOYI

0
16
In this March 31, 2017, photo, President Donald Trump listens during a meeting with the National Association of Manufacturers in the Roosevelt Room of the White House in Washington. Slim majorities of Americans favor independent investigations into Trump’s relationship with the Russian government and possible attempts by Russia to influence last year’s election according to a new poll by The Associated Press-NORC Center for Public Affairs Research. (AP Photo/Evan Vucci)

Washington:-(saxilnews.com) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah la saari doono Kuuriyada Waqooyi, kadib markii ay Pyongyang aroornimadi hore ee saakay tijaabisay gantaal ay khubarradu ku tilmaameen inuu gaari karo meel walba oo ka mid ah Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay maanta bartiisa twitter-ka, ayuu ku sheegay Trump inuu madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping kala hadlay waxa uu ku tilmaamay ficilada daandaansiga ah ee Kuuriyada Waqooyi. Waxuu wacad ku maray in xaaladda ay maareyn doonaan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay Arbacadi maanta tijaabisay gantaal xambaari kara madaxyada niyukleerka, kaasoo awoodi kara inuu gaaro meel walba oo ka mid ah Mareykanka.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa saacadaha soo socda leh kulan deg deg ah oo ay uga hadli doonaan gantaalka cusub ee ay Kuuriyada Waqooyi maanta tijaabisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here