Berbera (Saxil News.com )Maamulka Jaamacada Camuud Ee Magaalada Borama Ayaa Shahaado Dhinaca Maamul Wanaaga ah Gudoonsiiyey Mareeyaha Haamaha Shidaalka Ee Magaalada Berbera Kadib Markii Ay Socdaalk Ku Yimaadeen Xarunta Haamaha Shidaalka Ee Magaalada Berbera Iyo Dekeda Caalamiga Ah Ee Somaliland .
Mareeyaha Haamaha Suleeban Siciid Cali Ayaa Siwayn Ugu Mahadnaqay Aradayda Jaamacada Camuud Ee Socdaalka Ku Yimi Magaalo Xeebeda Berbera Iyo Maamulka Sare Ee Jamacadaasi
Mareeyuhu Waxa Uu Si Qoto Dheer Uga Waramay Waxqabadka Haamaha Ay Ku Talaabsadeen Mudii Uu Xilka Hayey ,waxa Kale Oo Uu Mareeyuhu Aradayda Uga Waramay LAAP Lagu Baadhidoono Shidaalka Ee Laga Hirgeliyey Berbera Iyo Ahmiyada Uu Leeyahay Wadanka Isagoo Sheegay Inay Xukuumada Somaliland Si Wayn Ugu Baahnayd
Mareeyaha Ayaa Xusay Inuu Mashruucan Ka Mid Kuwo Ugu Waawayn Dalka Laga Hirgeliyey ,Isagoo Intaasi Ku Daray Inay Ku Baxday Lacaga Aad Badani
Mareeyaha Ayaa Sheegay Inuu Ardayda Kasocoto Jaamacada Camuud si wayn usoo dhawaynayo
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Ayaa Isaguna Ardayda Uga Mahadnaqay Socdaalka Ay Ku Yimaadeen Magaalada Berbera Sidoo Kalena Sheegay Inay Jaamacada Camuud Ay Kamid Tahay J. Wadanka Ee Ay Kasoo Baxaan Ardayda Ugu Tayada Fiican Ee Ka Shaqeeya Wadanka Oo dhan
Gudoomiyaha Ayaa Warbixin Kusaabsan Ahmiyada Haamaha Iyo Dekeda Uleeyihiin Wadanka Ardaydaasi Siiyey ,
Hormuud Kuliyada Maamulka Maaraynta Iyo Ganacsiga ee jamacada camuud Cabadisamada Cige ayaa isagun halkaasi ka amaanay maamulka gobolka saaxil iyo sida wadajirka ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan ,
Waxa Kale Sheegay Inay U Garteen Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Shahaado Maamul Wanaaga Ah Kadib Qiimayn Ay Ku Sameeyeen Dhanka Xisaab Xidhka Ah Ee Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera
Pro : Maxmed Maxamuud G-Kuxigeenka Dhanka Arimaha Bulshada Ee Jamacadaasi Iyo Sidoo Kale Xubno Sare Oo Kasocday Jaamacada Camud Ee Borama .
Mareeyaha Haamaha Shidaalka Ayaa Qado Sharaf Ku Maamausay Ardayda Kasocotay Jaamacada Camuud Qaybta Maamulka Ee Jamacadaasi
Ardayda Ayaa Sidoo Kale Booqday Dekeda Caalamiga Ah Ee Magalada Berbera Iyagoo Halkaasi Warbixino La Xidhiidha Dhoofka Iyo Soo Dejinta Dekeda Ka Dhagaysatay Saraakiil Ka Tirsan Dekeda Caalamiga AH Ee Berbera
Ardayn Oo Tiro Ahaan Gaadhaysay Ilaa 40 Arday Iyo Xubno Sare Oo Kasocday Jamacadaasi Ayaa Lagu Wadaa Inay Magaalada Berbera Ku Sugnaan Doonan Mudo Kooban
Saxilnews.com
berbera//Somaliland
berbera2002@gmail.com