HALKU DHIGGA KULMIYE EE HORAA LOO SOCONAYAA, SAW CAQABAD KU NOQON MAAYO CABDIRAXMAAN SAYLICI OO DUDMO LAGU BARTAY?

0
20

Shacabka Somaliland ayaa dhawaan codkooda ku soo saaray in uu dalka Hogaamiyo Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii uu ka guulaystay Murashaxiintii kula loolamaysay doorashadaasi ee cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi cirro oo xisbiga Waddani u sharaxnaa iyo Faysal Cali Xuseen oo xisbiga UCID ka sharaxnaa.

Madaxweynaha cusub ee la doortay oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM ayaa muddo dheer oo xoraynta dalka ka dib ah ku soo jiray siyaasadda, waxaanu laba sano soo noqday Wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu intaas oo dhan ku sugnaa dalka isaga oo aan dibada uga bixin.

Muuse Biixi Cabdi Dadka yaqaanaa waxa ay ku sifeeyeen in uu yahay nin nabadeed isla markaana deganaan ku dhagaysta dadka oo shaqo wanaagsan.

Xasan Ciise Jaamac Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee somaliland ay yeelato oo ay Muuse Biixi soo wada shaqeeyeen waxa uu ka bixiyay sharaxaad dheer oo salka ku haysa waxa uu ka yaqaano Madaxweyaha cusub ee somaliland hogaamin doona shanta sano ee soo socota.

Halkan hoose kaga bogo sharaxaadda uu Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland ka bixiyay shakhsiyadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Waa Madaxweyne ku xigeenka uu hadda xilku ka sii dhamaanayo, dhinaca kalena waa madaxweyne u xigeenka shanta sano ee soo socota xilka la hayn doona Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

todoba sano ka hor ayaa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ku guulaystay in uu noqdo madaxweyne ku xigeenka somaliland, wakhtigaas oo uu la sharaxnaa madaxweyneha Xilka ka sii degaya ee Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waa nin af-gaaban oo aan hadal badnayn, marka uu mekerifoonka qabsadana ma jeediyo inta badan hadalo sidaasi u sii dheer.

Awdal Iyo Cabdiraxmaan Saylici:

Gobolka Awdal waa halka uu ka soo jeedo Madaweyne ku xigeenka la doortay ee somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

wakhtigii ay socoto ololaha doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay oo ay ku soo baxeen murashaxiinta xisbiga Kulmiye waxa ay cabdiraxmaan iyo intii la socotayba ahaayeen kuwo wadnaha farta ku haya, kana baqo qabay in lagaga adkaado deegaanada uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan saylici, markaas oo uu culays badan saaray murashaxii jagada madaxweyne ku xigeenka ee Waddani Maxamed Cali Aw Cabdi.

Sidii laga baqo qabay ayay u dhacday,  xisbiga kulmiyena waxa lagaga adkaaday Gobolka awdal oo uu Madaxweyne ku xigeenkii xilka soo hayay Todobada sano uu tahli waayay in uu sii xejisto taageereyaashiisa.

Maxay Reer Awdal Uga Codeeyeen Cabdiraxmaan Saylici:

inta badan bulshadda ka soo horjeeda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ku sheega in uu yahay hogaamiye hagraday deegamada gobolka awdal, taas bedelkeedana dadka u kala qaybsaday qaab tafaariiq ah iyada oo inta uu la jaalka ka yahay uga sed kordhiya kuwa ay sii kala durugsan yihiin isla markaana dallada guud ee reernimo midayso.

Suldaan Saleebaan Cali waa madax dhaqameedka gobolka Awdal, waxaanu ka waramay arrimo badan intii uu socday ololaha doorashadu

iyada oo ay jiraan tabashooyin badan oo ka jira gobolka awdal iyo deegaamo kale oo saluugsan Madaxwyne ku xigeenka cusub ee somalland, hadana waxa aan dhagaha bulshada marnaba ka bixin dhawr jeer oo uu Madaxweyne ku xigeenka somaliland ka duday Xukuumaddii uu Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa iyada oo uu wakhtiyadaasi uu ka cadhooday wasiiro, hasayeeshee aanay isku dhicin madaxweynihii uu ku xigeenka u ahaa.

si kastaba ha ahaatee Xisbiga kulmiye waxa uu doorashada ku galay Hal ku dheg odhanaya “Horaa Loo soconayaa” Madaxweyneha cusub ee la doortayna waxa ay bulshad durba tilmaameen in uu yahay nin ka dhabaynaya balamaha uu qaaday, hadaba siday isu waafaqayaan Dudmada Madaxweyne ku xigeenka iyo Talaabada dheer ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here