Wafti balaadhan oo ka socda 11 dal oo Caalamka ah iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa in maanta oo Axad ah soo gaadhaan Somaliland isla markaana ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Waftigan ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay dhiirigaliyaan doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa maalinka Bari ah dalka Somaliland iyo waliba kormeer iyo indho indhayn ay kusoo marayaan goobaha ay sanaaduuqda codbixiyayaasha Somaliland.
Waftigan ayaa maanta lagu soo dhawaynayaan madaarka Hargeysa,iyaga oo isla maantaba la filayo inay guda galaan hordhaca hawsha ay u yimaadeen.
Waftigan ayaa ka kala socda 11 dal oo beesha Caalamka ah iyo Midowga Yurub,waxaana ay ka kala socdaan dalalka Ingiriiska,Beljam,Denmark,Finland,Faransiiska,jarmalka,Netherlands,Norway,Sweden Switzerland,Maraykanka iyo Midowga Yurub
Waxaana waftigan ay dalka joogi doonaan muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta ilaa 14 Bishan lagu jiro.
Gabagabadiina hore waxa u yimi dalka Somaliland goob joogayaal caalami ah oo ka kala socday 27 dal oo Caalamka ka mid ah,kuwaas oo iyaguna ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay ula socon lahaayeen dhaq-dhaqaaqa doorashada una indho indhayn lahaayeen qaabka ay u socoto,waxaana ay shalay goob joogaayashan oo dhamaa 60 goob jooge ay u kala baxeen gobolada Somaliland.