Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga Kulmiye ayaaa warbaahinta Socail Media yaha ku qeybiyey isla markaana kufaafiyey warkii saddexaad oo been abuur noqdey isla markaana sheegayey in wasiirka arimaha dibada Somaliya Md Yuusuf Garaad uu warqad u qoray dawlada Qatar taas oo uu kaga codsanaayo in dawlada Qatar ay lacag siiso xisbiga Waddani
Warqadan ayaa cidiii sameysay isla markaana u badheedhay been abuurka intaas leeg waxaa ay sameysay khalaad markiiba fashiliyey warqadaasi
Khaladaaskaasi waxaa ka mid ah in warqada xageeda Sare lagu qoray ” Dawlada Faderaalka Ah Ee Somaliya ” waxaa xusid mudan in dawlada Somaliya aaney xukuumadan iyo tii ka horeysay aaney aheyn Dawlad ku meel gaadh ah oo ay ka baxdey dawlada Xassan Sheekh Maxamuud Sanadkii 2012.
Khaladka labaad ayaa waxaa uu yahay iyada oo Luuqada English ta ee lagu qoray kelmado badan ay khalaad yahiin ( Spelling Error )
Sidoo kale waxaa isna been ah saxeexay rasmiga ee Wasiir Yuusuf Garaad oo mid aan uba dhaweyn sidan loo sameeyey
Labadan Warqadood Isku Eeg Waa Warqada La Sameeyey iyo mid ka mid ah warqadaha uu qoro Wasiir Yuusuf Garaad.
Sida halkan hoose idinka muuqan doonta warada dhexda cad ee ka midka ah warqadaha uu Wasiir Yuusuf Garaad Qoray ee Tusaale ahaan u soo qaadanay waxaa xaga sare kaga Qoray ” Dawlada Faderaalka Ah Ee Somaliya ” , Sidoo kale waxaa hoosta ku yaala nooca uu yahay saxeexiisu bal is bar bar adigu akhriste labadan warqadood