Daawo:— Cali Khaliif Galaydh Oo Somaliland Ka Codsaday Inay Ku Duusho Puntland Iyo Waxa Sababay Wakhtigan

0
18

Caynaba (Saxilnews) Dr. Cali Khaliif Galaydh oo maalintii Shalay heshiis la galay Somaliland ayaa sheegay inuu wel wel ka qabo sida ay u midho dhali doonaan heshiiska uu la gaadhay Somaliland, wuxuuna xusay inay heshiiska qaateen iyagoo miyir qaba

Qodobada kasoo baxay Heshiiskii ay  galeen Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa  ka mid ahayd in Dastuurka la furo, In  lawada ilaashado Somaliland iyo ciidanka Khaatumo lagu daro Somaliland

 

Cali Khaliif Isagoo ka hadlayey arinta Dastuurka ayuu   sheegay in  hadii la furo Dastuurska Somaliland ay ka  faa’iidaysan doonaan dhamaan Somaliland-ta cusub, siduu uu hadalka u dhigay.

Wuxuu codsaday inay Somaliland duulaan ku qaado Puntland, isagoo ku eedeeyay inay ku hayso faragelin siyaasadeed, dhaqaalle iyo mid ciidanba.

Dr. Cali Khaliif Galeydh isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Puntland ayaa duulimaad nagu ah siyaasad ahaan, dhaqaalle ahaan iyo ciidan ahaan, adeerayaal nala garta oo gacan na siiya, Harti iyo Daarood wax la dhaho ma jiraan, Buuhoodle maamul ayay naga dul dhiseen, ciidamo ayaa ka joogay wuwa kalana way qorayaan”

“Wallaahay ma aamini doono Somaliland iyo Isaaq Hadii aysan Puntland oo Rabta Dhulkayaga Wax nagala Qaban” Ayuu yidhi.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here