Xeyndaab Dumay Oo Ay Ku Dhaawacmeen Taageerayaal Kubadda Cagta Ah

0
23

Tobanaan ka mid ah taageerayaashaasi oo isbuurtay ayaa kusoo daatay gudaha garoonka.

Saddex ka mid ah dad daawanayay ciyaar u dhexeysay kooxaha Amiens iyo Lille ee horyaalka Faransiiska ayuu dhaawac culus soo gaaray, ka dib markii uu dumay xeyndaab silig ah oo garoonka ku yaalay.

Ugu yaraan 18 qof ayay dhaawacyo fudud kasoo gaareen shilkan oo dhacay daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta oo ka socotay garoonka Stade de la Licorne ee kooxda Amiens.

Xeyndaabka oo ku yaallay afka hore ee qeybta taageerayaasha kooxda martida ah, ayaa dumay ka dib markii ay dadkii halkaa ka ag dhawaa u dabaaldageen gool uu dhaliyay Fode Ballo-Toure oo difaaca uga ciyaara Lille.

Tobanaan ka mid ah taageerayaashaasi oo isbuurtay ayaa kusoo daatay gudaha garoonka.

 

Ciyaarta ayaa la joojiyay, waxaana dadkii daawanayay laga daadgureeyay garoonka.

Kulamada ay dheelaan labadan kooxood ee Amiens iyo Lilleb ayaa ah kuwo ay aad ugu xifiltamaan, maadaama ay ka dhisan yihiin deegaanno isu dhaw.

Amiens ayaa markii ugu horaysay 116-kii sano ee ay dhisnayd ka qeyb qaadanaysa horyaalka Faransiiska, garoonkeedana waxa uu qaadaa 12 kun oo qof oo keliya, taasoo ka dhigaysa kan ugu mugga yar labaatanka isbartiibo ee naadiyada Ligue 1.

Sources:BBC.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here