Wasaaradda Dekaddaha Puntland Oo Bulshadda Uga Warbixiyay Mashruuca Lagu Ballaadhinayo Dekadda Bosaso

0
20

Garoowe (Saxilnews) Xurunta dowladda hoose ee degmada Bosaso ayaa lagu qabtay kulan ballaraan, kaasi oo looga hadlay ballaarinta dekadda weyn ee magaalada Bosaso.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii bulshada reer Puntland faa-faahin looga siin lahaa qaabka loo ballaarinayo dekadda magaalada Bosaso.

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso madaxda wasaaradda dekadaha iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka dekadda Bosaso u shaqeyso.

Cabdimajiid Samatar Jaafan ayaa sheegay in dekadda Bosaso ay tahay dekadda ugu yar Soomaaliya marka loo eego dekadaha kale ee ka jira dalka.

Dekadda Boosaso waxa ay u baahan tahay in la ballaariyo, haddii aan la ballaarinna ay istaagi doonto shaqada ka socota, waayo waxaa ku soo xirta markabyo aan loogu tala gelin in ay ku soo xirtaan ayuu yiri Cabdimajiid Samatar Jaafan agaasimaha guud ee wasaaradda dekaha Puntland .

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamad Raage oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in dhawaan uu bilaawanayo mashruucii lagu ballaarinayey dekadda, isla markaana aysan jirin guryo la bur-burin doono, iyadoo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wasiirka warar ay bulshada reer Bosaso ay isla dhexmarayeen ee ahaa in la bur-burinyo guryaha ku dhow dekadda.

Ma jiraan guryo la bur-burin doono, dekadda ayaa la ballaarinayaa, waana mashruuc weyn oo hormar u ah bulshada Bosaso, reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamad Raage.

Qaar ka mid ah nabadoonadii ka soo qeyb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey mashruuca lagu ballaarinayo dekadda magaalada Bosaso, waxa ayna madaxda Puntland ugu baaqeen in shacabka reer Puntland sidan oo kale u qanciyaan markii uu soo dhexgalo tuhun iyo warar been abuur ah.

Kulanka Dowaldda Puntland maanta u qabatey qaar kamid ah Shacabka Bosaso ku dhaqan ayaa imaanaya iyada oo maalmihii u danbeeyey Bosaso ay shirar kuq abanyeen nabadoono iyo waxgarad kale oo ka soo horjeeda in dekadda Bosaso ee laga dhaxley Dowladdii hore si gaar ah loogu wareejiyo shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka carabta.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mashruuca ballaarinta dekadda la daahfurayo maalinta Axadda ah ee 01 Oktoobar 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here