Hargeysa (Saxilnews)- Baskii shanaad ayaa saaka oo Jimce ah, abaaro 8:30 subaxnimo ku gubtay caasimada Hargeysa, waxaanu noqonayaa kii shanaad ee lagu gubo istaanka basaska ee Jigjiga yar todobaadkii ugu danbeeyay.
Waxay dhacdadan ugubka ahi noqotay mid dhakafaar ku riday shacabka iyo iskaashatada basaska Hargeysa.
Baskan u danbeeyay ee gubtay waxa saaka subaxdii dirqi ku bakhtiiyey wadayaasha basaska iyo dadweyne iskaashanaya.
Dhacdadani waxay cabsi ku abuurtay gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan istaanka basaska Jig-jiga yare e ku yaala agagaarka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaanay keentay in dirawaladu ay ka degi waayaan baabuurtooda inta fursadoodu ay gaadheyso.
In kasta oo ciidanka Boolisku ay gacanta ku hayaan baadhista kiiskan dhifka iyo naadirka ku ah dalka islamarkaana ay arrintan u xidhan yihiin dad aan tiradooda la sheegin, ilaa hadana ciidanka Booliska iyo laamaha aamanku toona kamey hadal cabsidan soo wajahday gaadiidleyda.
Xigasho Hangoolnews.com