London(Saxilnews)Barnaamijkii BBC-da ee loo wada riyaaqay ee wararka 100 dumar ah oo guulo gaadhay, ayaa hadana mar labaad bilaabmay waxaanu sidaa warar xiise leh oo cusub.
Ilaa haatan waxa la shaaciyey magacyada 60 ka mid ah, oo ay ku jiraan cirbixiyeenka ka shaqaysa wakaaladda sahaminta hawada sare ee Maraykanka NASA Peggy Whitson, Madaxweynaha Chile Michelle Bachelet iyo ciyaartoyga xulka kubadda cagta hablaha England Steph Houghton.
Afartanka kale waxa barnaamijka lagu soo qaadan doonaa bishan Oktoobar ee bilaabmaysa.
Taxanahan sanadlaha ah – oo iftiimiya duruufaha saameeya haweenka dunida oo dhan – waxa sanadkan ujeedadiisu tahay in haweenka lagu dhiirri geliyo in ay isbedel sameeyaan.
- Taxanaha 100ka Dumarka ah ee BBC
- Masar oo 56 qof u xukuntay dhimashada tahriibayaal
- Kaydka heesihii qaraamiga ahaa ee Soomaalida oo dib boorka looga jafay
Barnaamijka waxa ka mid ah bandhigyo ay samaynayaan gabadha gabyaaga ah ee Rupi Kaur, Resham Khan oo ka badbaaday asiidh lagu saydhay iyo xidigta TV iyo qoobka ciyaarka ee Jin Xing.
Sida muuqata duruufaha aan dhamaadka lahayn ee takoorka, sinaan la’aanta iyo dabcan ka dhex muuqasho la’aanta dumarka ee doorarka badan ee bulshadu waa arimo niyad jab leh oo awoodooda dabra.
Markaa waxaan barnaamijka sanadkan dumarka u soo bandhigaynaa in ay keenaan hal abuur wax lagaga qaban karo sinaan la’aantaa qaarkeed.
Waa sanadkii shanaad, barnaamijkan maamuuska boqolka dumara ee guulo gaadhay wuxu diiradda saarayaa afar arin arrimood oo ah: Darajada ay shaqada ka gaadhi karaan, waxbarashada haweenka, takoorka iyo quudhsiga haweenka ee dhanka ciyaaraha.
Waa maxay barnaamijka maamuuska 100-ka dumar ah oo guulo gaadhay?
Barnaamijku wuxu sanad walba xusaa 100 dumar ah oo saamayn leh yididiilona abuura oo dunida daafaheeda ku nool. Sanadkan 2017, waxaanu ku carinaynaa in ay wax ka qabtaan afar ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dumarka maanta haysta – Darajada ay shaqada ka gaadhi karaan, waxbarashada haweenka, takoorka iyo quudhsiga haweenka ee dhanka ciyaaraha.
Gacan waad ka geysan kartaa oo waxay keeni karaan xal dhab ah, waxa aanu kaa doonaynaana in aad ku soo gudbiso aragtidaada oo aad u soo mariso bogagga aan ku leenahay baraha bulshada ee Facebook, Instagram iyo Twitter waxaad sidoo kale adeegsan kartaa halqabsigan #100Women
Qaar ka mid ah boqolka dumar ah ee sanadkani waxay si wada jir ah uga hawl gali doonaan afar magaalo oo kala duwan, waxaanay shaqayn doonaan afar todobaad si ay u keenaan hal abuur ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo dumarka dhibaatooyinkaa la soo sheegay haystaan.
Kuwa kalena waxay taageero iyo talooyin ka soo diri doonaan meelaha ay dunida ka joogaan.
Afartanka magac ee u dambeeya waxa lagu dari doonaa todobaadkan, marka haween badan oo kale aragtidooda iyo talaba ka soo dhiibtaan.
Hadii boqolkan dumar ahi ku guulaystaan in ay ka midho dhaliyaan waxan lagu cariyey, waxay taasi noqonaysaa in dumarka dunida ku nooli gacan ka geysteen fahamka dhibaatooyinka jira iyo qaabaynta xalka iyo sida wax looga qabanayo dhibaatooyinkaa jira.
Sababtuna waa in ay talo muhiim ah ka dhiibteen waxay arkeen, ama waaba in ay qudhoodu xal keeneen.
Barnaamijku kuma koobna uun talo dhiibasho- boqolka dumar ahi waxay ku wada sheekaysan doonaan idaacadda, internet-ka iyo baraha bulshada.
Caqabadda heerka darajada shaqada haweenku ka gaadhi karaan waxa lagaga haldi doonaa San Francisco, caqabadda waxbarashada haweenka, takoorka London waxaana taageero ka gaysan doona koox Nairobi joogta, caqabadda quudhsiga haweenka ee ciyaarahana waxa lagaga hadli doonaa Rio – laakiin ka hadalka arintani waxay noqon doontaa mid dunidoo dhan khusaysa waxaanan doonaynaa in dumarka dunida oo dhami ka hadlaan.
” Sanadkii 2015, barnaamijka waxa lagu soo qaatay 150 qaybood oo dood ah oo ku baxay 10 af waxaanay ka dhaceen 30 dal, sanadkii 2016 waxay dadku ku soo dareen liiska 450 haween ah oo u qalma in barnaamijka lagu soo qaato oo ay taariikhdooda ka akhriyeen Wikipedia, imika iyo 2017 -ka waxaanu ka qayb galka barnaamijka ka dhignay qorshe gebi ahaantiiba cusub” waxa sidaa tidhi tifaftiraha barnaamijka boqol dumar ah oo guulo gaadhay, Fiona Crack.
“Wuxu noqon doonaa mid xiiso leh laakiin culayskiisa leh markaad aragto qorshaha ay keenayaan boqolkaa qof ee hibada leh oo hadana la doonayo in ay bil keliya gudaheed ku meel mariyaan”
Hadaba nagala soo xidhiidh baraha bulshada ee aan internet-ka ku leenahay eeFacebook, Instagram iyo Twitter waxaanad adeegsan kartaa halqabsigan #100Women.