Jaamacada New Generation Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay 293-arday Oo Jaamacadaasi Dhamaystay.

0
16

Munaasibadan oo ahayd mid ay ku qalin-jabinayeen 293-arday oo dhamaystay waxbarashada heerarka koowaad iyo labaad ee jaamacadaasi

Hargaysa (saxilnews.com):-Munaasibad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii shanaad ee ka baxda Jaamacada New Generation faraceeda magaalada Hargaysa ayaa maanta lagu qabtay

Munaasibadan oo ahayd mid ay ku qalin-jabinayeen 293-arday oo dhamaystay waxbarashada heerarka koowaad iyo labaad ee jaamacadaasi ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyayaasha xisbiyada qaranka, xubno ka mid ah golaha wasiirada, salaadiin, cuqaal, culimo iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyntii waxa munaasibadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada New Generation Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf  waxaana uu ka waramay ujeedada munaasibadan loo qabtay ayaa sheegay in munaasibadani ay daaran tahay qalin-jabinta 293- oo arday oo ka baxay qaybaha jaamacada, waxaana uu kula dardaarmay ardayda qalin-jabisay in ay ugu adeegaan qaranka aqoontii la baray, iyagoo ilaalinaya sharafta iyo magaca jaamacad

ay ka baxeen.

Xoghayaha Arimaha Dibbada ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Fadal oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qayb-galka munaasibadan ay ardaydu ku qalin-jabinayso ,isagoo ardayda u hoga tusaaleeyey in aanu dhaweyn hayaankii iyo geedii waxbarashada ee ay u soo xadhko xidheen loo baahan yahay in ay hayaanka waxbarasho halkaasi ka sii wadaan

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalin-jabisay waxa uu sheegay in uu mar walba jecel yahay ka soo qayb-galka munaasibadaha sidan oo kale ah,isagoo uga go’ leh in uu dhiiri-galiyo dhalinyarada wax u baranaysa qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa hambalyeeyey ardayda qalin-jabisay iyo maamulkoodaba waxaana uu sheegay in ardaydani ay wax weyn ka tari doonaan baahida dal ahaan aynu u qabno aqoonta casriga ah.

Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Dibbada Dr Sacad Cali Shire iyo Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo  iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda ka qalin-jabisay Jaamacada New Generation waxaana iska daba-mareen muhiimada waxbarashadu u leedahay Aadamaha iyo sida u muhiimka u tahay in lagu faro-adaygo.

Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey ayaa ardayda ka qalin-jabisay jaamacada new generation eebe uga baryey in uu ka yeelo aqoontii ay barteen mid tis-qaada kuna anfacaan dal iyo dadba.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxmed Xiirey oo ku hadlayey afka salaadiinta Somaliland iyo Sheekh Aadan Siiro oo isna afka culimada dalka ku hadlayey ayaa jaamacada New Generation ku amaanay dadaaalka ay ugu jirto sidii ay da’yarta waxbaranaysa ee reer Somaliland u siin lahaayeen waxbarasho tayo leh oo loo aayo, sidoo kale Aadan Siiro waxa uu halkaasi ka balan-qaaday in uu kafaale qaaday fiiga labadii arday ee ugu sareeyey heerka koowaad ee Jaamacada si ay u bilaabaaan heerka labaad ee Jaamacada.

Gabagabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 293- ee arday ee ka qalin-jabiyey Jaamacada New Generation faraceeda Magaalada Hargaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here