Ma Dhabbaa In Madaxwayne Siilaanyo Warqadii Iscasilaada Ka Diiday Gudoomiyihii Gobolka Hawd Ee Dhawaan Iscasilay?  

0
16
Hargeysa(Saxilnews) Warar aan helayno oo xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” uu warqadii Iscasilaada ka diiday guddoomiyihii gobolka Hawd Ibraahin XasanXaaji Cali ,kaas oo dhawaan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Waxaana la sheegay in markii gudoomiyuhu usoo gudbiyay warqadaasi uu diiday madaxwaynuhu inuu aqbalo,taas badalkeedana uu gudoomiyuhu aqbalay diidmada madaxwayne Siilaanyo.

Waxaana xoguhu sheegeen in madaxwayne Siilaanyo guddi u saaray tabashadii u tirsanayay Ibraahin Xasan Xaaji Cali isla markaana la xaliyay.

Diidamadan madaxwayne Siilanyo ee iscasilaada gudoomiyihii gobolka Hawd ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay doorashadii madaxtooyada Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here