Moqdisho (Saxilnews):- Diyaarad rakaab ah ayaa markii u horeysay muddo 27 sanno ah caawa kadegtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha uu shaqeynayo habeenkii.
Diyaaradda Jubba Airways oo siday rakaab ka badan boqol ruux, una badnaa Xujey ayaa abaarihii 8-da Fiidnimo iyo daqiiqado soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya uu garoonku yahay mid shaqeynayo, diyaaradaha rakaabka ay si caadi ah uga soo degi karaan habeenkii.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan