WIIL UU DHALAY OSAMA BIN LADEN OO U HANJABAY SUURIYA
Hamza bin Laden, oo uu dhalay hogaamiyihii hore ee al Qaacida Ayaa u hanjabay Dawladda Suuriya.
Xamsa ayaa ku taliyay in laga hor yimaado dawladda suuriya, waxaana uu xusay in dhibka haysta dadka reer suuriya uu yahay mid ay la dareemayaan walaalahooda muslimka ahi.
“Dhibka Haysta Walaalaha suuriya waa mid damqaya muslimiinta” ayuu ku yidhi cod laga soo duubay.
Warkan oo lagu baahiyay al carabiya ayaa intaas ku daray in xamse uu ku jiro liiska dadka uu maraykanku baadi goobayo.