Guddiga komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaqadii ka
fadhiisiyayafar sarkaal oo ka tirsanaa madaxda laamaha kala duwan ee Komishanka Qaranka Somaliland.
Afartan masuul ee guddiga Komishanku shaqo ka fadhiisinta ku sameeyeen ayaa kala ahaa Cali Xuunsho oo ahaa madaxa amaanka,Cabdi Buush oo ahaa ku xigeenka Amniga nin magaciisa naloogu soo koobay Cabdirisaaq oo ahaa madaxii shaqaalaha ee Guddiga Komishanka iyo Siciid oo ahaa waaxda Bakhaarka.
Xogaha ayaa waxay sheegayaan in guddiga Komishanku ay buuxiyeen xilalka ay ka qaadeen afarta sarkaal ee ka hawl gali jiray xarunta guud ee guddiga Komishanka Qaranka Somalilanad.
Guddiga komishanka iyo saraakiishan la eryey midkoodna kama hadal arrintan,hase’yeeshee sida aan xogaha ku helayno ayaa waxay sheegaayn in uu jiro dhaq-dhaqaaq ay wadaan shaqaalahan shaqada laga eryey oo ay ku raad joogaan sababta loo eryey oo aan wali loo sheegin.
Gabagabadiina wakhtigan shaqaalaha la eryey ayaa kusoo beegmaya xilli guddiga Komishanka Doorashooyinku wadaan u diyaar garowga qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo qoondeeyey inay dhacdo 13 November 2017