0
19

DP World Oo Sadexda Murashax Ka Codsatay Inaanay Waxba Ka Bedelin Heshiiska Dekedda Bebera, Taas Bedelkeedana Ay Qaataan Caddad Lacageed Oo Xaqul-qallin Ah + Muuse iyo Faysal Oo Aqbalay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Gaashaanka U Daruuray.
Hargeysa:-(saxilnews.com)Sherkadda lagu wareejiyey dekedda Berbera ee DP World ayaa casuumad u fidisay saddexda murashaxa ee xisbiyada Somaliland, waxaanay ku martiqaaday magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa Madaxwayne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi ayaa Arbacadii todobaadkan si jabaq la’aan ah uga duulay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, sidoo kalena Faysal Cali Waraabe Murashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID ayaa la sheegay inuu ka dabo baxay, waxaanay ka jawaabeen codsi uga yimi maamulka iyo madaxda sherkadda DP World, iyadoo ujeedada martiqaadkan lagu sheegay in saddexda murashax laga saxeexo inaanay waxba ka bedelin heshiiska DP World mid kii saddexda murashax ka mid ah ee soo baxaaba.
Hase yeeshee waxaa codsigaasi ku gacansaydhay Murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo sheegay inaanu ballanqaadi karin inaanu waxba ka bedeli karin heshiiska lala galay sherkadda DP World.
Sidoo kale waxa la sheegay in DP World saddexda murashax u ballanqaaday inay siinayso qaddar lacageed oo aad u badan si ay u ballanqaadaan una saxiixaan inaanay waxba ka bedelayn ama laalayn heshiiska dekedda markii ay talada ku guulaystaan.
Siyaasiga Axmed Like oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa yidhi:
“Waxay yidhaahdeen saddexda murashax noogu yeedha si aanu uga saxeexno heshiiskan hadhaw kooda soo baxaa inaanu joojin oo uu sidaas xidhitaanka Berbera ku sii wado, Labada Murashaxa ee KULMIYE iyo UCID-ba way tageen saacadana Dubai bay ku maqan yihiin waxaanay soo qaadanayaan xaqul-qallinkii xidhitaankii Berbera halka guddoomiyaha WADDANI uu ka diiday inuu DP World, inuu ansixiyo heshiiska xaaraanta ah iyo inuu xaqul-qallin qaato”.
Siyaasi Axmed Like oo u waramayay telefishanka Somali Cable ayaa intaas ku daray in xaaladda dekedda Berbera ay halis ku sugan tahay maadaama maraakiibtii bishii Ramadaan soo istaagay wali raran tahay “Maraakiibtii Iiddii la soo raray bad-waynta ayay taagan tahay, Berberina wakhti adag bay ku jirtaa, waxay nolosheedu iyo dhaq-dhaqaaqedu ku tiirsanayd dekedda Berbera, maadaama dekeddii la xidhay maadama sicir bararkii boqolkii dollar hal milyan marayo waxay Berberi ku sugan tahayy xaalad ka guuraay ah oo dadkii ka yaaco oo tuko iyo DP World uun joogaan” ayuu yidhi Axmed Like.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay sherkadda DP World iyo labada murashax ee KULMIYE iyo UCID oo ku saabsan kulankan la sheegay inuu DUBAI ka dhacay, illaa hadana lama xaqiijin cadadka rasmiga ee uu dhan yahay xaqul-qallinka ay DP World ku yaboohday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here