AQALKA CAD EE MAREYKANKA OO GURMADKII UGU BALAADHAN U FADINAYA DEEGAANADA AY SAAMEYSAY DUUFAANTA IRMA

0
18

Florida:-(saxilnews) Aqalka Cad ee looga arrimio Mareykanka ayaa sheegay in gurmadki ugu ballaarnaa abid uu milatariga Mareykanka sameeyo ay hadda ciidamu ka wadaan meelaha ay saameysay duufaanta Irma ee Gobolka Florida iyo dalalka Caribbean-ka.

Lataliyaha Waaxda Amniga Gudaha ee Aqalka Cad, Thomas Bossert ayaa Isniinti wariyaasha u sheegay in howlaha gurmadka ay si weyn uga qeyb qaadanayaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay direen sagaal markab oo waaweyn oo ah kuwa dagaalka oo uu ku jiro markabka USS Abraham Lincoln ee xambaaraha diyaaradaha dagaalka. Maraakiibtan ayaa Axadii gaaray Jaziiradaha Key West ee gobolka Florida.

Howlgalka loogu gurmanayo dadka ay saameysay duufaanta Irma ayaa la filayaa inuu qaato bilooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here