Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Ah Ee Somaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Dowladdiisu
Muqdisho(Saxil News.com):- Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Ah Ee Somaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Dowladdiisu Aysan Diyaar U Aheyn In U Muudo Ku Darsato Marka Uu Dhamaado Muddo Xileedkeedu Oo Ku Beegan Sanadka 2016-ka
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dawlada Somalia Ayaa Waxaa Uu Sidoo Kale Uu Hanbalyeeyey Booqashadii Uu John Kerry Dhalay Ku Yimid Maagalada Muqdisho, Waxaana Uu Sheegay In Booqashadaas Ay Ahayd Mid Taariikhi Ah
Sidoo Kale, Madaxweynaha Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyay Doorashooyinka Ka Dhici Doono Somalia Sannadka 2016-Ka, Wuxuuna Xusay Inay Shardi Kaliya Ahayn In Deegaannada Iyo Tuulooyinka Doorasho Ka Dhacdo Haddii Aan La Gaadhi Karin.
Waxaana Isaga Oo Amuurtaasi Ka Hadlaya Uu Yidhi “ Ma Ah Shardi
In Tuulooyinka Iyo Deegaannada Doorasho Ka Dhacaan, Haddii Aan La Gaadhi Karin Magaalooyinka Ayay Doorashadu Ka Dhici Doontaa, Sida Caasimadda. Sannadka 2016-Ka Waxaa Naga Go’an In Dalka Doorasho Ka Dhacdo,” Ayuu Yidhi
Sidoo Kale, Madaxweynaha Ayaa Mar Kale Sheegay Inaanay Jirin Muddo Kordhin Loo Sameynaayo Dowladdiisa Waxaana Uu Yidhi “Waan Ku Cel-Celinay Wax Xilli Kororsi Ma Jiri Doonto Marka La Gaadho Sannadka 2016-Ka. Dowladdii Bedeli Lahayd Middan Ayaa Imaanaysa Taasoo Ku Imaan Doonta Qaab Doorasho Ah; Waayo Kororsiimo La Sameeyo Waxaan Is-Qabqabsi Ahayn Lagama Faa’iidayo,” Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somalia