Home Warka Shirkada Dp World Oo Amaro Culus Kasoo Saartay Gelida Dekeda Berbera Iyo...

Shirkada Dp World Oo Amaro Culus Kasoo Saartay Gelida Dekeda Berbera Iyo Shuruudo Adag Oo Lagu Xidhay Dhamaan Shaqaalaha Dekeda Iyo Ganacsatada

0
17
Berbera (Saxilnews.com)Maamulka shirkada Dp World oo ah shirkada la wareegtay gacan ku haynta iyo maamulka dekeda magaalada Berbera ayaa waxay soo saartay dhawr qodob oo amaro ah isla markaana ay farayso shaqaalaha dekeda Berbera,wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada iyo cid kaste oo marti ah oo soo galaysa dekeda oo ay dani kaga xidhan tahay.

Waxaana amaradan oo dhawr qodob ka kooban ay shirkadu ka dhawaajisay inay hirgalayaan fulintoodu 1-dii bishan aynu ku guda jirno,iyada oo amaradaasina ay ka biyo diideen shalay oo ay mudaharaad salmi ah ka dhigeen barxada dekeda Berbera mukhalasiinta dekeda Berbera ee ka cashuura badeecadaha iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada,kuwaas oo ka dhawaajiyey sida wararku Berbera nagaga soo gaadhayaan inaaan suuro gal ahayn qodobadan amarada ah ee shirkada Dp World soo saartay,waxaana ay shalay sida wararku nagu soo gaadhayaan ay sameeyeen shaqo joojin.

Waxaana shalay ay ciidamada ilaalada dekedu ay celinayeen cidii aan fulin qodobadan ay soo saartay shirkadu ee ay amartay in la raaco.

qodobadan ay shirkaddu soo saartay ayaa waxay dhigayaan oo ku jira kuwan hoos ku qoran.

1) In Shaqaalaha Dekeda iyo dadka soo booqanayaa ay xidhaan dharka Badbaadada sida Kabo Qadh ah, Maryo difaac leh oo ah kuwa dhalaala ee badanaa ay xidhaan ciidamada Ilaalada wadooyinku
2) In gaadhiga Xamuulka qaada uu dekeda lagali karo oo kaliya wadaha gaadhiga oo wata Cadaymihii galida,sida ogolaanshaha soo galida Gaydhka dekeda iyo cadaynta Kastamka.
3) Lama ogola in dekeda lala galo Qaad
4) Sidoo kalena lama ogola in dekeda lala galo hubka noocyadiisa kala duwan sida Mindida,Budadka,Bakooradaha iyo Ulaha.

Waxaana qodobadan qaarkood cabasho xoogan ka muujiyay kana mudaharaaday qaar kamid ah shaqaalaha dekeda Berbera gaar ahaana mukhalasiinta dekeda ka cashuuraha badeecadaha iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada,waxaana ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.

Gabagabadiina shaqaalaha iyo ganacsatada macaamiisha u ah dekeda Berbera ayaa dhawr jeer ka cawday isbadalka shirkada Dp World ku wado hanaankii hore ee dekedu u shaqayn jirtay,waxaana wali taagan khilaafkii ka dhex aloosnaa ganacsatada,shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dp World,ilaa haddana ma jirto xal laga gaadhay khilaafkaasi oo sababay in hakad ay gasho shaqadii dekedu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here