Berbera (Saxilnews.com)- Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa klui geeriydooay xeebta batalaale kadib markii ay shalay ka yimaadeen caasimada Somaliland hargaysa si ay ugu soo dabaashaan xeebta Berbera
Labadan wiil ayaa ka mid ahaa ilaa todoba dhalinayaro ah oo kaxaystay laash xumaaday oo xeeliga bada ku caaridsanaa sida uu noo sheegay gudoomiayaha gobolka saaxil Jamac Yuusuf Axmed oo gaadhay goobtaasi isla halkaasi kusoo badbaadiyey ilaa shan wiil oo lasocday labada geeriyooday
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay wiilshani ay fuuleen laash bilaa mishiin ah oo dul yaalay xeebta Batalaale kadibna la fogaaday laashkaasi kadib markii ay jiiteen mawjadaha xoogan ee badu ,dhalinyaradani geeriyootay ayaa ka booday laashka si ay naftooda ubadbaadiyaan balse nasiib darro wa, ay ku geeriyoodeen halka shantii wiil iyo laashkiina ay ciidamadu ugu gurmadeen kadibna usoo badbaadiyeen
Labada wiil ee geeriyooday ayaa mid kamid ah maydkiisa lawaayey maalintii shalay waxaana saaka arooryadii hore laga helay xeeliga xeebta dheer ee batalaale
Gabagabadii maamulka gobolka saaxil ayaa tacsi udiray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dhalinyaradaasi
Labada wiil ee geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray \
1-Axmed Xaashi Ismaciil 18
2-Maxamed 22
dhacdani dhimashada iyo dhaawaca wadata ayaa soo noqnoqonaysa kadib markii ciidii ramadaana ay baddu liqday ilaa 3 caruur ah oo kasoo kicitimay gobolada dalka oo qaarkoodna la badbaadiyey arinta ayaa loo sababaynayaa dabaqid la,aanta talada saraakiisha ciidmada Badda iyo kooxo dhalinyaro ah oo loo tababaray ilaalinta goobaha dabaasha iyo tilmaamida dadka dalxiisayaasha ah
Mukhtar Eeshqisak /Berbera Somaliland