Ruushka Iyo Maraykanka Oo Ka Wada Hadlay Xiisada Kuuriyada Waqooyi

0
20

Ruushka Iyo Maraykanka Oo Ka Wada Hadlay Xiisada Kuuriyada Waqooyi
(SAXILNEWS.COM)

Wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavror, ayaa ku wargeliyey xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, in talaabo kasta oo dheeraad ah oo lagu damacsanyahay in cunaqabataynta saaran Kuuriyada Woqooyi lagu sii adkeeyaa noqon doonto mid khasaare leh.

Warbixin ay baahisay wasaaradda arimaha dibadda Ruushku aya sheegtay in labada nin telefoon ku wada hadleen oo ay cambaareeyeen tijaabadii gantaal ee u dambaysay ee Pyongyang samaysay.

Laakiin warbixintu  waxay sheegtay in Lavrov ku nuuxnuuxsaday in diblomaasiyaddu tahay dariiqa keliya ee lagu soo afjari karo xiisadda ka taagan jasiirad la moodka Kuuriya, isla markaana uu ku booriyey in aan lagu degdegin talaabo kasta

oo milatari oo keeni karta cawaaqib xumo aan la mahadin.

Xoghayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa isaguna dhankiisa ku carrabka ku adkeeyey in ay weli jirto fursad hab diblomaasiyadeed loogula tacaali karo Kuuriyada Woqooyi.

Hase yeeshee mar sii horraysay ayaa Madaxweyne Trump fariin uu boggiisa Twitter-ka ku baahiyey wuxu ku sheegay in aan xalku ku jirin wada xaajood.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here