Xukuumada Somaliland Oo Maalmaha Ciida Fariin Ku Saabsan Nabad Galyada Wadooyinka U Dirtay Shacabka.
Hargeysa(SAXILNEWS):-xukuumada somaliland ayaa digniin ku saabsan nabad galyada wadooyinka maalmaha ciida u dirtay shacabka
Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shacabka ku hambalyeeyey munaasibada ciidal Adxa, waxaanu u diray digniin ku saabsan nabad galyada wadooyinka.
Wasiirka oo shacabka Hambalyeynaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay umada somaliland iyo guud ahaan umad waynta islaamka waxaan u dirayaa hambalyo ku saabsan ciidal Adxa, waxaanan leeyahay ilaahay sanadkan sanadkiisa haynagu gaadhsiiyo nabad galyo bash bash iyo barwaaqo.”ayuu yidhi wasiirul dawle Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay Eryal Tv.
Wasiirul dawle Maxamed Muuse Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas
raaciyey “Dadka reer somaliland waxaan leeyahay yididiilo wanaagsan ayaa muuqata aduun weynahana waynu la macaamilaynaa hawluhuna si fiican ayey u socdaan waxaan leeyahay rajo wanaagsan ayaa muuqata ee alxamdulilaah dhaha.”
Wasiirul dawle Maxamed Muuse Diiriye ayaa waalidka uga digay inay dhalinyarada fudud u dhiibaan baabuurta waxaanu yidhi “Maalmaha ciida gaadiidka yaanay waaliidku u dhiibin dhalinyarta sababta oo ah maalintaas loo dhiibo halka uu doono ayuu kala dhacayaa, ubadkii oo dhawryo toban ah ayaa loo dhiibayaa inanyar halaga ilaaliyo ayaan leeyahay, dadka waalidka ahina caruurta ha soo dalxiisiyaan oo baabuurta ha kaxeeyaan, baabuurtana hala dhawro, wadooyinka si wanaagsan haloo maro, haddii magaalooyinka loo dalxiis tagayana si miyir qabta wadooyinka haloo maro.”