URURKA DHALINYARADA EE HORSEED OO SHAHAADO SHARAF KU MAAMUUSAY WASIIRKA QORSHEYNTA QARANKA IYO HORUMARINTA SOMALILAND + SAWIRO

0
20

Hargaysa:-(saxilnews) Ururka Dhalinayarada Ee Horseed ayaa Shahaado Sharaf Ku maamuusay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta qaranka iyo Horumarinta JSL Mudane maxamed ibraahin aadan Qabyo-tire,Kuwaasi Oo Xog ururin iyo Baadhitaan ay Sameeyeen Gartay in Wasiirku yahay masuulka ugu Horeeya uguna Mudan Wasiirada Xukuumada

 

Ururkan Dhalinayarada Ee Horseed Oo Ah Urur Ka Aasaasan Caasimada Hargeysa ayaa Wasiirka Ku Sifeeyay Waxqabad,Firfircooni iyo Horumar inuu ka sameeyay Dalka Muddadii uu Badhasaabka ka Ahaa Burco iyo Haatanba Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa Geestiisa u Mahadceliyay Dhalinyarada isagoo Tilmaamay Kaalinta Dhalinyaradu kaga Jirto Hanaanka Lagu Horumarinayo Dalka isagoona ka Mahadceliyay Shahaado sharaftan ay Gudoonsiiyeen Hadalo Dardaaran iyo Dhiirigalin Ahna usoo jeediyay waxaanu yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa Ururka Dhalinyarada Ee Horseed Ee ii Gartay Shahaado Sharaftan inay i Gudoonsiiyaan Kuwaasi Oo sameeyay Xog ururin iyo Baadhitaan Ka Dibna Gartay sida Masuulyintu u Kala Mudan Yihiin” Aniga Runtii Waa Markii u Horeysay ee Aynu Kulano laakiin Xaqiiqo Raadintan iyo Researchkan aad Sameyseen waan Dhiirigalinayaa,Waxaan kaloo Aad iyo aad idinku dhiirigalinayaa Maadama Oo Aad Na Xusteen Oo Garateen Masuuliyada iyo Shaqada aan Hayo, Xilka Qarani Waa Waajibaad Laygu Leeyahay,in aan idiin adeego oo idiin Fuliyo Waxqabad,Hadii aad Garateen in aad isku kay Garab Taagtaan,Oo intaad isa Soo Maamusheen idinkoo urur Dhalinayaro Ah iyaduna Waa wax aad iyo aad Loogu Farxo Dhalinayarada Somaliland 72% Ee Hada Wixii Ka Yar 30 Jir Mustaqbal Fiican ayay Leeyihiin,Halka Aynu Dhalinyarada Darajada ka taaganyihiin caalamka kuwa waaweyn ayaa Ah,Sidaa Darteed Wadamaadaas Oo Kale waxay yeelanayaan Mustaqbal Wacan,idaguna Waxaynu u Noqonaynaa Gogol Xaadh wanaagsan,inaynu U ilo bixino inay u Sahan Tagno Oo Dhiirigilano. Ururka Horseed Waa ururkii Labaad ee Xafiiska igu Soo Booqda Ee igu Siiya Shahaado,Runtii Waxyar ayaan Joogay Laakiin ismaan Laheyn wax Badan ayaad Qabatay,idinku waxaad ii tilmaamnteen ilaa Togdheer inaad i daba Socoteen,Runtii aad iyo aad baan ugu Mahadnaqayaa idinka iyo reer Togdheerba….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here