Kastamka Berbera Oo Haawanaya Iyo Dakhligii Dawlada Oo Wakhtiga Kala Guurka Loo Wareejiyey Kastamka Saylac

0
23

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey hoos udhac waynu ku yimi kastamka cashuuraha ee ugu wayn Somaliland ee ku yaala gudaha Dekeda Berbera kadib markii uu hal mar hoos udhac laf jab ah ku yimi socodkii badeecada ee Dekeda Berbera gaar ahaana cashuurihii laga qaadayey rarista iyo rogista Dekeda Berbera ee uu uxilsaarnaa kastamka cashuuraha ee magaalo marseeda Berbera taasina waxay keentay inuu hoos udhac aan hore loo arag uu ku yimaado hawlihii cashuur qaadista ee kastanka Berbera taasi oo ay inta badan sababtay qodobo dhawr ah oi la xidhiidha maamulka shirkada Dp World iyo sidoo kale qorshayaal afduub maaliyadeed ah oo ay baryahaba waday Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan taasi oo salka ku haysay wareejinta bagaashii Badeecadihii kasoo deji jiray Dekeda Berbera ee laga cashuuri jiray kastamka Berbera oo hal mar ay u wareejisay Dekeda Jabuut kadib markii ay hore u balanqaaday inay furayso Kastamka Saylac oo shaqdadiisu yarayd sananadii udanbeeyey balse nasiib darro waxaa halmar kaliya dhulka galay kana soo waaqsanla ilaa hada dakhligii kasoo bixi jiray kastamka Berbera talaabadani ayaa qayb ka ah dagaalada hoose ee ay wasiirka Maaliyadu kula jirto ilaha dakhli soo saar ee ku yaala magaalada Berbera oo ay hore uga badheedhay inay guud ahaanba curyaaminayso intay gacanta ku hayso talada wasaaradaasi waxayna ilaa hada maalka ugu badan ee haayadaasi ay madaxda ka tahay ku bixisaa kicinta abaabulka beesheeda oo ugu ololayso Dekeda iyo kastam samaysta kadib markii bilowday qorshaha (Sacad Muuse Ha dhisto)ee lagu binaynayo Dekeda Macmacalka ah ee Ceelsheekh Port iyo xeebta degaankaasi oo ay sheegtay isla markaana balanqaaday inay maruun samayn doonto xeeb deegankeeda ku taala taasina waxaa u saamaxay kadib markii ay heshay dhowr qof oo ay qabyaalada iyo ololaha nacaybka ay ku ku midoobeen oo uu kamid yahay ganacsadaha Hotelada Maansoor ee Cabdiqaadir Xaashi oo isugu geed gaban iyo mid dheer isugu taagay samaynta Xeebo Berbera cidhiidhaya oo ay dad gaar ahi leeyihiin waxaa uu hindisay bilowgii Dawga Cad oo ahaa wadadii loo maraayey xeebtii lagu ximanayey Saaxil ee laga lahaa Hargaysa Cabdiqaadir waxaa shakhsiga kaliya ee ku kaliyeystay isaga iyo dhawr qof oo xanuun umadadeed hayo nacaybka Berbera iyo shacabkeeda hadii aan intaasi kaga soo noqdo sifaha shakhsiyaadkaasi waxaa jira kastamka Berbera ayaa ahaa maraanu booqanay goob aan laga dareemayn shaqo dakhli ururin taasi oo ay guud ahaanba xafiisyadu haawanayaan halka aad kuwo kalena arkayso shaqooyin aan cuslayn oo kasocda taasi oi sabab unoqotay inay guud ahaanba badeecadaha badan koodii u wareegan Dekeda Saylac iyo kastamka ugu musumaasuqa badan ee ku yaala Degmadaasi saylac waxaanu noqday wadada kaliya ee dakhliga dawlada lagu lunsan karro sababaha keenay in dakhligii dawladu u wareego deeganka saylac iyo kastamka jilicsan ee ku yaala soohdinka ayaa umuuqata farsamooyin hanti lunsi oo ay ka danbayso wasiirka Maaliyada ee Somaliland

 

 

Geele Shire Hargaysa /Somaliland

Shire22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here