WASIIRKA HAWLAHA GUUD CALI MAREEXAAN OO KA WARBIXIYEY HAWEENAY REER SOMALILAND OO KHASAB LAGAGA DEJIYEY DIYAARADDA FLY DUBAI IYO WASIIRKA DUULISTA OO SI ADAG UGA JAWAABAY

0
16

Hargaysa:-(saxilnews) Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed ayaa ka warbixiyey dhacdo uu kala kulmay diyaaradda Fly Dubai oo uu sheegay inuu shaahid u ahaa gabadh muwaadin ah oo ay shaqaalaha diyaaraddu ku tacadiyeen, waxaana uu sheegay inay ku khasbeen inay diyaaradda ka dejiyaan kadib markii ay fadhiisatay boos ama kusri aan aan keedii ahayn, Wasiir Cali Mareexaan oo qoraal dheer soo dhigay barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa ka warbixiyey waxa uu isagu arkayay:

Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu… waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai. Hase yeeshe gabadhi iyo ilmaheeiiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxaala fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cadaan ah oo shaqalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u shegtay in ay kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo. Gabadhi shaqalaha ahayd way ku adkaysatay. Ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale somali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aanwax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiishegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo. Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee insa waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada. Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay apolog lakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba”.

Dhinaca wasiirka duulista iyo hawda jamhuuriyadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa beeniyey hadalka wasiir Cali Mareexaan waxaana uu sheegay in sidaas uu wasiirku sheegay aanay arrintu u dhicin.

Wasiir Farxaan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay haweenaydani qalalaase ka dhex abuurtay diyaaradda dhexdeeda isla markaana ay sababtayin diyaaraddu ay dib uga dhacdo wkahtigii loogu talo galay, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aniga way ila soo hadleen (shaqaalihii) waxay ii sheegeen in kabtankii yidhi qofkan waa in nalaga reebaa maadaama uu dagalaamay telefoonka ayaan kala hadlay aad baan isugu dayay inaan dhinaca bini aadanimada arrinka ka eegno waayo isago (kabtanku) sharcibuu ku taagan yahay, masuuliyadana isagaa leh oo ninka diyaaradda hawada marinayaa waa kabtanka weeye, marka wuxuu si ixtiraam leh u soo jeediyey in dadkii ama diyaaraddii laga rogo oo madhnaan ay diyaaraddu ku tagto oo aanu isagu damaanad qaadayna ammaanka iyo in qofkii laga reebo, waxaanu eegnay laba shay boqol iyo dhawr iyo afartanka qof ee diyaaradda saaran dadbaa xidhiidho kale leh oo markay Dubai ka degaan xidhiidhadooda ka kansal garoobayaa oo muddo sii joogaya oo khasaare iyo kharash ku kacaya, mar labaadkana ammaanka diyaaradda iyo boqol iyp dhawroyo afartanka qof ee saaran baa ka muhiimsan qof inta la soo reebo diyaarad kale la saaro labadaas sababood awgood go’aanka anigaa qaatay oo aan idhaahdo qofkaas hala soo reebo, ma garanayo wasiirka waxa soo raaciyey ma qaraabaa, ma …..? waanu wadahadalnay wasiirka anna waan ka soo hadhayaa buu yidhi warbaahintana waan u yeedhanayaa waan la hadlayaa haddii aad la hadasho ceebi may dhicin baan ku idhi ee nidaamkaygii saxda ahaa baanu marnee laakiin masuuliyadda madaarku wasaaradayda ayay hoos timaada, go’aanka aanu qaadanayna sax buu ahaa”.

Sidoo kale wasiirka ayaa weerar ku qaaday wasir Cali Mareexaan oo u sheegay inuu ugu hanjabay inuu warbaahinta la hadli doono, “Wasiirka saaxiib baanu nahay waananu wadahadalnay markuu ii sheegay ee igu yidhi warbaahintaan la hadlayaa waxaan ku idhi waar hadaad hadlayso waxba kama qabo anigu oo anna waan jawaabi, laba wasiir oo is hayana ma nihin ee isagu isagoo rakaab ah buu hadlay oo uu ka hadlay diyaaradaas iyo dareenkiisa qofkuna ra’yi buu leeyahay” ayuu yidhi Wasiir Farxaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here