WASIIR GEEDOOLE OO SI RASMI AH U SHAACIYEY WAKHTIDA ARDAYDA LAGA QAADI IMTIXAANADA SHAHAADIGA IYO XILLIGA LAGU DHAWAAQI DOONO NATIIJADOODA

0
20

Burco (Saxil News.com)-Prof Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaaciyey xilliga Rasmiga ah ee dalka oo dhan laga geli doono Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo kuwa aan Shahaadiga ahayn, waxana uu farriin adag u diray Maamulayaasha Dugsiyada dalka oo dhan gacanta ku haya.

Wasiir Geedoole oo Haatan Burco ku sugan ayaa sheegay in sababaha uu usoo gaadhay Gobolka ay tahay in wax laga qabto ardayda Fasalka waxbarasho ka booda ee aan si dhamaystiran aan u wada qaadan jaran-jarada waxbarasho ee Dugsiyadda Waxbarasho,waxaana uu ka codsaday Maamulayaasha Iskuuladda inay Wasaaradda hawshaas gacan ku siiyaan.

Dhinaca kalena,waxa uu uga mahadnaqay Iskuuladda gaarka loo leeyahay oo ku majiirtay inay soo saaraan Arday aqoon-ahaan iyo tayo-ahaanba ka dhisan.

Waxa kale oo uu usoo jeediyay Maamulayaasha Iskuuladda dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaanba in Imtixaanaadka iskuuladda ee aan ahayn kuwa shahaadiga in la dhamaystiro ka hor 25 bisha May,ee sanadka 2015-ka,waxaana uu intaas raaciyay in Imtixaanaadka Shahaadiga Dalka oo dhan laga qaban doono todobaadka ugu horeeya ee Bisha Lixaad ee Sanadkan.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Natiijadda Imtixaanaadka lagu dhawaaqi doono 1-da Bisha Sagaalaad ee Sanadka 2015-ka.

Waa Markii ugu horraysay ee wasiir waxbarasho Somaliland uu si rasmi ah u shaaciyo xilliga Rasmiga ah ee Natiijada Imtixaanaadka lagu dhawaaqi doono, iyadoo inta Badan masuuliyiinta Waxbarashadu aanay ku dhiirran jirin shaacinta Wakhtigaas.

 

Saxilnews.com

berbera2002@gmail.com

Geele Garoomeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here