Berbera (Saxilnews.com)-markab sida Raashin caawimo ah oo ay ledahay haayada Cuntada aduunka ee WFP oo loo daabuli lahaa dalka Itoobiya ayaa mudo 16 maalmooda haamabada Dekeda Berbera ee bada taagan kadib markii shirkada DP world ee Dekeda Berbera maamulkeeda lagu wareejiyay diiday in Dekeda Berbera lagu soo xidho sababo la xidhiidha Dekedii oo buuxda oo aan lahayn meel gaadiidka badeecadahaas daabulayaan maraan.
Waxa ku sugan magaalada Berbera gaadiid tiradoodu dhantahay 160 gaadhi oo laga leeyahay dalka Itoobiya kuwaas oo daabuli lahaa raashinkaas gayna lahaa dalka itoobiya, gaadiidkan ayaa mudadaa 16 maalmooda joogay maagalada berbera iyaga oo waayadii hore wax aan laba maalmood ka badnayn joogi jiray magaalada berbera si dagdag ah loo raari jiray.
gaadiidka itoobiyanka ah ayaa waxa leh shirkado iskaashatooyin ah oo gaadiidka ku shaqeya waxaanay masuuliyiinta Berbera ujoogaa cabasho xoogan ka muujiyeen gaadiidka mudadaas aan loogu talagalin berbera jooga iyaga oo xusay inay masaariiftii ka goday darawaliinta iyo kirishbooyada gaadiidka wata oo mudo cayiman loogu talagalay inay berbera joogaan sida horeba u ahaan jirtay.
Wakiilada shirakada gaadiidka itoobiyanka iyo darawaliinta gaadiidkaas wada oo ku xereysan xero gaadiidkaas loogu talagay oo kutaala duleedka Dekeda Berbera ayaa habeenkii xalay jaamacada cilmiga Bada ee Berbera ugu tagay wasiirada Arimaha Debeda, ganacsiga iyo maaliyada oo halkaas shir kulaa waxaanay cabasho ugu gudbiyeen inaanay mudo intaa ka badan berbera sii joogi karin ayna iska laabanayaan mar hadii aan markabkii la soo xidhayn masaariiftiina ay goosteen.
Wasiiraka Arimaha Debeda iyo Ka ganacsiga oo la hadlay wakiilada gaadiidka Itoobiyanka iyo darawalinta Xabashida ah ee wehelinaayay ayaa usheegay inay guud ahaan Dekeda Berbera dhibaato laxaad lihi ka taagantahay shaqadii dekeda oo dhamina taagantahay xalkeeda la raadinayo iyagu itoobiyaan ahaana ay dhibaatadaas uu la qabaan ganacsatada Somaliland oo ilaa hada la wax badeecadohoodii Dekeda uga soo saara ama uga roga maraakiibta markaa ay sugaan ilaa inta xal laga gaadho dagdag ah.
Dhinaca kale Waxa bada Berbera taagan laba kamida maraakiibta shirakadaha koonteenarada oo sida koonteenaro aad ubadan oo tiradooda lagu qiyaasay (1300)oo koonteenar oo ay kujiraan badeecado kale duwan oo ganacsatada Somaliland leedahay ayaa mudo taagan haabada Dekeda Berbera markaabtan oo inta badan wakhti kuxisaabtama ayaa iyagana la sheegayaa inay ku hanjabeen inay iska tagayaan oo xamar ujihaysanayaa iyaga oo sheegay inay kusoo rogayaan Dekeda Muqdisho koonteenaro dalka Somaliya laga leyahay oo markabka saaran markay soo noqdaan hadii Maamulka Dekeda berbera si dagdag ah uga rogi waayo koonteenarada saaran ay dubai iyo dalkay kasoo qaadeen ku celin doonaan.
Dekeda Berbera ayaa waxa ka taaganb xaaladii ugu adkay iyada oo culayska koonteenarada Dekeada yaalana laga baqayo inay dunto maadama oo aan culayska intaa leeg loogu talagalin Dekeda berbera siday ahaan jirtayna si dagdag ah koonteenarada looga rari jiray Dekeda iyaga oo faaruqa oo madhan la dhigi jiray.
Shirkada DP NWorld ayaa dhinac kasta marka laga erego umuuqata mid ku fashilantay maamulka iyo maareynta Dekeda Berbera.
Saxilnews.com