Nigeria:- (Saxilnews.com) Hogaamiyaha Xisbiga ugu weyn Waddanka NIGERIA ee Xisbiga (ThePeople’s Democratic Party) ahna Guddoomiye Xigeenka Golaha Senate-ka Ee Baarlamaanka NIGERIA Mr Ike Ekweremadu, ayaa amaanay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay inay Somaliland tahay wadan guulaystay balse Somalia ah dal fashilmay wali ay dunidu lugta ugu xidheen.
Ekweremadu oo ahGuddoomiye ku xigeenka Aqalka golaha Senadka Ee Baarlamaanka waddanka NIGERIA iyo sido kale hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn dalkaasi ee loo soo gaabiyo (PDP) ahna Siyaasi ruug cadaaya oo xilal tiro badan oo kala duwan ka soo qabtay waddankiisa, ayaa sida ay qortay Wakaaladda dalka Nigeria laga leeyahay eevanguardngr.com, oo Wargeyska Saxansaxo warkani ka soo xigtay, hadal waxa dheer oo uu ka jeediyey Shirweyne Sannad leh ah oo loo qabto urur ay ku mideysan yihiin Qaramadda iyo Dawladdaha Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika oo magaciisu yahay (South-East Governors & National Assembly Members), waxa uu halkaasi kaga hadlay Goboladda gooni goosadka ah iyo Jamhuuriyaddaha ka go’ay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, waxaanu ku soo qaatay kuna soo daray warbixintiisa Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inay 30 sanno mudo ku dhawaad ah, dunida ka baadi doonaysay Ictiraaf qaran buuxa inay ka hesho iyada oo nidaam dawladnimo ku guulaysato inay dhisto, balse mr IKE waxa uu hoosta ka xariiqay iyada oo Somaliland wax kasta ku guulaysatay in hadana lugta loogu xidhay Somalia oo ah dal ku fashilmay inay dawlad dhistan.
Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sanadka Ee Gobalaha Baarlamaanka waddanka NIGERIA Mr Ike Ekweremadu oo ah sido kale Siyaasi ruug cadaaya oo xilal tiro badan oo kala duwan ka soo qabtay waddankiisa ahna sido kale hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn dalkaasi ee The People’s Democratic Party Mr Ike Ekweremadu, ayaa warbixin dheer ka diyaariyey oo uu kaga hadlaay
Hogaamiyaha Xisbiga ugu awooda badan Waddanka NIGERIA ee Xisbiga PDP (The People’s Democratic Party) ee waxa uu isaga oo Jamhuuriyadda Somaliland amaanaiyey sheegay in Somalia oo ku tilmaamay inay qaran guul daraystay ilaa hadana Somaliland ay sheegata tahay waxa uu yidhi”Waxa jirta Mawduuc Kiiska ah Qadiyadda Aqoonsi raadiska ee Somaliland, waana mid taagneyd ku dhawaad 3o sanno, ka dib markii ay kala soo noqdeen madaxbanaanidooda Dawladdii dhexe ee Jamhuuriyaddii Somaliyeed, waxaana dalka ugu wanaagsan (Jamhuuriyadda Somaliland) Dawladdaha iskood isku magacaabay, waxaana la odhan karaa British Somaliland waxa ugu fiican ee ay dhisteen, inay yihiin kuwo ku inay yihiin qaran Madaxbanaan oo iskood u taagan, balse hadana wali lagu tiriyo inay qayb ka yihiin Somalia in kasta oo ay xaqiiq jirta tahay inay Somalia tahay qaran Fashilmay”