Burburka af somaliga soo gadhay yaa u sabab ah?

0
26

Burburka af somaliga soo gadhay yaa u sabab ah?

 

“Haddii la doonayo in ummad la dilo, afkeedaa lagu horreeyaa oo marka hore la dilaa”!

In ka badan lix kun oo af ayaa la tilmaamaa in adduunka lagaga hadlo. Marka la eego daraasad ka soo baxday dhowaan hay’adda UNESCO waxa la qiyaasayaa in marka laba loo qaybiyo ay meel ahaan afafkaasi khatar ugu sugan yihiin in caad fuulo oo ay qarsoomaan ama ba ay dabargo’aan, dhintaan inta ka horraysa qarnigan 21-aad inta aanu dhammaan. Afsoomaaliga waxa lagu tirayaa afafkaas halista ugu jira in ay dhintaan.

Dad badan ayaa la yaaba marka laga tibaax bixiyo in afka Soomaaligu khatar ugu jiro inuu dabargo’o! Sidee af u dhintaa ummaddii ku hadlaysey oo nool, ayaa muranka intiisa badani ka oogmaa. Waxa dabargo’a oo dunida laga waayaa qaar ka mid ah dhirta, ugaadha, shimbiraha iwm. Afafka habaasku fuulo ee dayacmaa sidaas oo kale ayay dunida uga suulaan..

AHUN gaarriye oo dareenkiisa ku cabirayaa gabay ugu kaga hadalyo sidu afu uu dhintay

“Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa
Maxaan erey tafiir go’ay
Maxaan maanso teeri ah
Tacab ba’ay ka joogaa!”
-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) – AHUN.

Afsoomaaligu waa af guun ah. Kumaankun sannadood ayuu soo jirey. Muddadaas dheer, waxa dadka ku hadla soo foodsaaray dagaallo iyo colaado badan oo sokeeye iyo shisheeye ba lahaa. Qaarkood way riiq dheeraayeen oo sannado badan ayay socdeen. Waxa kale oo soo maray abaaro iyo cudurro laayaan ah oo kala dambeeyey.

Ma qorrayn afku oo waxa uu ku koobnaa erey-afeed keliya. Dadka ku hadlaa waxa ay ku jireen hayaan iyo guurguur joogto ah. Xoolo dhaqato ayaa la ahaa. Dhaqammo, diimo iyo afaf kale ayaa dibedda kaga imanayey, haddana jiritaankiisu wuu xidhiidhsanaa. Wuu ka soo doogay aafooyinkaas iyo geeddigaas dheer ee hirrigta iyo haydaarada badnaa (xigasho  buuga baadisooc ee uu qoray Mohamed Bashe X Xasan )

Umad waliba waxay ku fanta afka ay leedahay ee ay ku hadasho iskuna af garato Waxan isir iyo abb uu laha oo an awoowgay  ka soo gadhay af an anigu leeyahay  Waxanku barbaray af an anigu leeyahay oo an ku soo radqaday kuna soo hadaqay Markii an yaraa markan aduunka imid waxan la ii bilabay cashar an ku barto af anigu Leeyahay alla ha dayayee hooyo  waxay  ahay macalinka qudhe ee afka anigu leeyahay I bari jirtay waxay hadh iyo habeen ku hawl nayad  sidii ay aniga afka iyo dhaqanka aynu leenahay  Ii bari lahayd waxay tacab badan galisay sidan u baran laha afkayga hoo

yo uguna hadli  lahaa  Hadana  hooyoyinka  soo galay halgan iyo tacaab dheer sidii ay afka hooyo ugu bari  lahayeen caruurtooda   Waxa dacabkoodii ay mudo dheer so wadeen ila imikan wadan waxa laga dhigay waxab kama jiran.Hadab su,aash is waydinta leh waxa weeyi  Burburka af somaliga soo gadhay yaa u sabab ah ? Waxan amin sanahay  inay xilkii ka sarnaa dawadu ay gabeen isla markan ka soo biix wayeen wajibadki ka sarnaa afka hooyo  dawaladan  sabab uu ah burburka af somaliga soo gadhaya af somaliga waayo iyada masuul ka  sidu dhigay  qodobka 6aad ee dastuurka jamuuriyada Somaliland waxa afka ilaalintiisa uga masuul ah ALLA SCW  ka sakow jamuuriyada Somaliland oo ilahay masuuliyad ugu dhigay umada ku abtirsataa af somaliga.

  1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa AF-Soomaaliga, Afka labaadna waa AfCarabiga.
  2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo

Hadab isaga oo afku sida  mihim uu ah dastuurkan aynu ku qoran waxaynu mar walba jabinaa  dastuurka jamuriyada Somaliland waliba kolba cida masuul ka ah afka hooyo  ba ila wadaaga ama ila eega boos ay wasarada arimaha gudaha  soo xayaysisay  waxay shurud uga dhigay inu qofku si faseex ah uu yaqaano ama uga hadli karo  ingilishka hadaba  waxa is waydin leh Wadankan ma England oo yar ba? mise   waa qayb  ka mid ah   united kingdom? manay  jirin dawalad   Somali ah  oo leh af uu gar ah oo lagu garto oo ay ka duwan tahay wadamad kale mise waxay rabta inay noqoto UK illhay ayaa inagu abuuray carrada la yidhado dhulka somalida man noqon karno UK IWM .

Maxad meel kale ka sheeg  ee ay ka mid yihin NGO hayAdaha UN IWM waxad arkaysaa lamahii dawalad  oo si burburinya afki hooyo dhir galinya af anay lahayn kuan xidhaya qofka shaqo doona ah inu afka qala d xoog uu yaqaano waa ayan darro ku dhacaday afkeen hooyo su,ashayda waxan uu daynayaa akhristayaasha sharafta leh ee meelkastaydunida ka joogan ee ku abtirsata  af hooyo ee somaliga .

 

By Garyaqan gouleid Ibrahim Hassan

University of Hargeisa faculty of law

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here