NIN SOOMAALI AH OO KELYIHIISA LAGA HELAY 700 XABO OO DHAGAXAAN AH

0
15

Dhaqaatiirta isbitaal khaas ah oo dhaca koonfur bari gobalka Andhra Pradesh ee dalka India ayaa aad ula dhacay markii boqolaal dhagaxaan ah laga helay kaliyaha mudaawin soomaaliyeed kaas oo kaliyihiisu haleeleen caafimaad darro baahsan oo dhanka kaliyaha kaga baahday.

Bukaankan oo lagu magcaabo Cabdiraxmaan ayaa ka yimid Magaalada Gaalkacayo ee koonfurta soomaaliya waxaana dhabar xanuun uu hayay muddo saddex sano ah,waxaana uu booqday markii xanuunku ku daba dheeraaday xarun caafimaad oo katirsan  isla magaalada Galkacayo, dhaqtarka  ayaa xiligaas u sheegay markii la saaray qalabka lagu baaro  caafimaad qofka ee Scan-ka in labadiisa Kaliyood ay ku jiraan dhowr xabo oo dhagxaan ah.

“Markii uu noo yimid kelidiisa bidix saameyn xoogan ayaa laga dareemayay oo caafimaad darro ah  si sax ahna uma aysan shaqeyneenin” sidaasi waxaa tidhi V.Surya Prakash oo ka howlgasha isbitaalka Virinchi ee dalka India-kadib markii saddex maalmood ka hor qaliin lagu sameeyay.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in dhagaxa ugu weyn cabirikiisu ahaa saddex Centimeter waxaana ay sheegeen in sidoo kale laga helay boqool dhagxaan oo yar yar waxaana Dr.Prakash uu tilmaamay in tiradoodu ay dhan tahay 700 oo dhagxaan, halka horey uu u arkay 100-150 dhagax laga soo saaray dadkii horey qaliinka loogu sameeyay.

Bukaanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin shaqsi kamid ah ehelkiisa oo sidan oo kale ay ku dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here