ADAY WASIIRKII XIDHIIDHKA GOLAYAASHA QARANKA IYO TIGNOOLAJIYADA CALI XAAMUD JIBRIIL, MAXAADSE KA TAQAANAA WASIIRKA CUSUB EE LAGU BEDELAY AXMED XAAJI DAAHIR CILMI?

0
47

MAXAAD KA OGTAHAY SABABTA XILKA LAGAGA QAADAY WASIIRKII XIDHIIDHKA GOLAYAASHA QARANKA IYO TIGNOOLAJIYADA CALI XAAMUD JIBRIIL, MAXAADSE KA TAQAANAA WASIIRKA CUSUB EE LAGU BEDELAY AXMED XAAJI DAAHIR CILMI?

Hargeysa(saxilnews.com)-Cali Xaamud Jibrill Waa Markii Labaad ee Laga Caydhiyo Xilalka Xukumada Madaxweyne Siilanyo Waxaanu Bilawgii Xukumada Madaxweyne Siilanyo ee 2010kii Usoo Noqday Wasiir Ka Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta sare mudo Ku siman Sadex Sanadood ayuu ahaa wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Xiligaas oo ay Wasiir ka ahayd Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaana Xilka Lagaga Qaaday iska Horkeen iyo Maamul Xumo uu wasaarada dhexdeeda ka sameeyay.

Mudo Laba Sanadooda Kadib  Ayaa Hadana waxa Madaxweyne Siilanyo Dib uga codsaday inuu Cali Xaamud Jibriil Xil wasiir Umagacaabo Cabdiraxmaan Seylici oo uu gacantiisa Midig yahay Isku Jufo Hoosena ay kasoo wada Jeedaan(Maxamed Case)

Cali Xaamud Jibril ayaa Sababta Hada Xilka Lagaga Qaaday waxa Lagu sheegay inuu galay shaqo aan qaranku udiran isaga oo dhawaan mar ay Xubno Katirsan Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo jabuuti Safar shaqo Ku tageen Idaacadaha BBC-da Iyo VOA-da La Hadlay Iyaga oo Jabuuti kula sugan Wasiiradii ka Mudnaa ee shaqadaas lahaa kuwaas oo ayK amid Yihiin wasiirka Arimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Dr Sacad Cali Shire Iyo wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Sacad Cali shire. Hadalada uu Cali Xaamud Jibriil Kaga hadlay Idaacadahaas ayaa ahaa kuwo aanu umeel dayin oo meel kadhac ku ahaa dilomaasiyada iyo Dawladnimada Somaliland.

Waxa kaloo Uu Wasiir Cali Xaamud Jibriil dalka Kasameeyay Mudadii uu xaalada Caafimaad dalka Isutaga Imiraatka Carabta madaxweyne Siilanyo ugu maqnaa Isk Horkeen Golaha wasiirada ee dalka kasii shaqaynaayay iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo uu wasiirada kale ka xigsanaayay cidkastana uu iskaga gudbaayay isaga oo awood aanu lahayn oo reernimo adeegsanaya Waana sababta keentay in Xilka Laga Xayuubiyo.

Waxa kaloo jirtay In Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo wakhtigaas ahaa ku simaha madaxweynaha ayaa wasaaradaha iyo xarumaha dawladda ku sameeyay kormeer loo arkay mid firfircooni maamul keenay. Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa si weyn uga dhex muuqday kormeeradaas oo barbar ordaayay Seylici.

Axmed Xaaji Daahir Cilmi Waa Wawiirka Cusub ee wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Waxa ay isku Jufo kasoo wada Jeedaan Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Seylici Iyo Wasiirka Lagu Bedelay ee Cali Xaamud Jibriil waa isku jufada Maxamed Case ee reer Borama.

Axmed Xaaji Daahir Cilmi Waa siyaasi Ruug Cadaaya oo caan ay isaga iyo Qoyskiisuba Ka yihiin Gobolka Awdal Waxaa uu kamida ahaa Xukumadii Daahir Rayaale Kaahin ee Xisbigii UDUB Waxaanu ka soo noqday Wasiirada Qorsheynta Qaranka Iyo Warfaafinta Waa nin weyn oo qunyar Socod ah oo siyaasi Bislaadaya Waxaana La Filayaa inuu taageero baaxadle ukeeni doono Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisaba Maadsama oo uu uyahay shaqsi siweyn looga Tixgaliyo Deegaanada Gobolka Awdal ee uu kasoo jeeda siweyna looga Yaqaano Somaliland waxaana La odhan karaa Waxa La Magacabay Xiligii ku haboonaa Axmed Xaaji Daahir Cilmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here