WASAARADA BIYAHA SOMAALILAND OO KU FASHIILANTAY MAAMULKA WAKALADA BIYAHA BERBERA IYO KA GABSASHADA MAAYER CABDISHAKUR CIDIIN AYAA KUSO BEGMAYSA XILII AY BILABMEEN XOOLAHA CARAFADU IYO XAGOGO AAD UKULUL.

0
21

Sheekh-(Saxilnews.com)-Sidaynu wada ogsonay wasarada biyaha somaaliland waxay  isku dayday ama samaysay sii kastoa oo Wakalada biyaha ee berbera ay uga bixilayd  gacan ku haynta  dawlada hoose ee degmada berbera .

Gorgortan badan kadib waxay ku gulaysatay wasaradu hawlgalinta mamul cusub iyo masul ay uu Dhiibto, mudo kadib waxa sii isdaba joga  isuso  taray caboshoyiinka biyo la,an soo fodsartay bulshada Ku dhaqan magalo xebeda berbera .

Waxana sii toosa uga bilamatay biyo dhan horleh iyado ad arkayso boyado udhamiinaya qaar kamida ah xafadaha Kala duwan ee gudaha magaalada berbera amurtan waxay kuso begmaysa xilii ay ad uu kulushay oo Lafiilayo malmaha soo  socda in ay sii toosa uga dhofaan xoolo aad uu tiiro badani .

Maamulka dawlada hoose ee berbera aya la odhan kara waxay ka gabiiyen qorshayashii ay  kaga qayb Qadan jiren xalada  biyo yaraned markay dhacdo  iyo siyasadii ay ku kala hagi jireen dadka ku dhaqan Magaalada berbera iyo xoolaha tirada badan ee sanadwaliba xiliga carafada loo  dhoofiyo dawlada sacuudiga Waxana la odhan kara wa ta dhalisay in ay gadha halki  ugu darnayd xalada biyo la,aned ee so fodsaratay Xaruunta gobolka saxiil ee magaalada berbera .

Hadaba su,asha is waydiinta mudan ayaa noqonaysa masuliyinta wasarada biyuhu maqaadi donaan Talaabo ay dib ugu celinayaan ama markale ay ku hoos geyaan maamulka wakalada biyaha dawlada Hoose ee berbera ?

Haday jawaabtu tahay maya mayer cabdishakur  maxamud xasan ma noqon doona masuul uguntada Sidii ay biyo u helilahayen shacabka ku dhaqan magalada berbera  oo ah kuwa uu codkodu uu sahlay Gudomiyenimada golaha deganka ee dagmada berbera ?

Amurtan ayaa sii wayn ay bulshadu uga warwar qabta madamo anay muqaan dhaqdhaqaqo lataban Karo oo ay qaadeen   dhinacyada kala ah wasarada biyha S/land  iyo dawlada hoose ee magalada Berbera .ee ku aadan  xalada biyo la,aned ee sida daran uu tabatay dadka reer  berbera

 

Cabdirashiid mubarik (Suul)

Tell=0634281151

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here