AAMUSNAANTA XUKUUMADA KULMIYE ,TALAABOOYINKA SHIRKADA DPW IYO DHEGTAAGA BULSHADA SOMALILAND AYAAN LA SAADAALINKARIN HALKA UU SALDHIGI DOONO.

0
18

Sheekh-(Saxilnews.com)-Xukuumada hada talada haysa ayaynu wada ogsoonahay doorkii balaadhnaa ee ay ka qaadatay ansaxinta heshiiska ay la gashay shirkada DPW islamarkaana ay  gacanta ugu gelisay halbawlaha hantidii qarankan curdinkaa ee  dekeda  magaalada berbera .

Hadaaynu  soo qaato qodobadii ay sida weyn uga balan qaaday xukuumada ee ay sheegeen inuu horkacaayo heshiiskani islamarkaana ay bushadani aadka ugu hanqalka taagnayd ayaa noqonaaya shaqo abuur ay ka filaayeen shirkada DPW  oo  ay kaga baxaan camal la,aanta hadhaysay aqoonyahanka da,yartaa iyo aafada tahribta .

Waxaan wada ogsoonahay talaabooyinka shirkada DPW ay qaadayso ee marba marka kadambeysa  isa soo taraaya aya salka ku haya shaqo joojinta iyo dhimista shaqaalaha waxay meesha ka saartay islamarkaana beenisay balanqaadyadii ay xukuumadu kulmiye u qaaday dadweynahan caanka ku ah hogaansanaanta awaaamiirta iyo shuruucda dalka hirgelinta siyaasada maamullka ay doortaan .

Amuurtan ayaa marag u noqonaysa xildhibaanadii faro kutiriska aha ee uu horkacayey gudoomiyaha golaha baarlamanka Somaliland cabddiraxmaan maxamed  cabdilaahi ( ciro) ee ay ku diidanaayeen heshiiska shirkada DPW ay la gashay xukuumadau oo ay ku tilmaameen imuuu yahay heshiis madmadaw badani hadheeyey waxaana la odhan karaa waxa ay arkaayeen amaba aqoontoodu muujisay halista heshiiskani hagoognaa oo ay kaw ka noqonayso mida manta   haysata muruqmaalka iyo qaybaha kala duwan ee shaqalaha marsaada calamiga ee  berbera .

Balse xukumadii la fiilayay ianay garowsato isla markana uu tixgaliiso  ayaa  jabatay  xadhiig duuduc iyo in dabada in loga  saaro guriiga sharcii dajiinta .

Hadaba su,aasha is waydiinta leh aya waxay tahay  ,

ma jiraan   qodobo uu  heshiiskani  kaga buri karo shirkada   DPW  ?  haday jawaabtu tahay haa ma ka mid noqonaysaa shaqo joojinta ku timi isticmaalka dekeda magaalada berbera iyo cabashooyinka ka soo yeedhaaya ganacsatada kala duwan ?

Waxa la odhan karaa xukuumada kulmiye iyo 194tii xildhibaan ee ansixiyey heshiiskani  waxa ay si cad ugu fashilmeen masuuliyadii ka saarnayd qaranka  waxana la adhan karaa arintaas halku dhiga odhanaaya  QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN

 

Cabdirashiid mubaarik (suul)

0634281151

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here