Jahawareer Ka Taaggan Qaybinta Kaadhadhkii Codbixiyayaasha Ee Magaalada Burco Iyo Dad Waayey Kaadhadhkoodii Codaynta

0
18

Burco (Saxilnews.com)-Iyada oo maalinkii shalay ahayd ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer si rasmi ah uga bilaabmatay qaybinta kaadhadhka codbixiyayaashu ayaa wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco soona gaadhaya Ramaasnews ay sheegayaan in jahawareer xoogan ka taagan yahay qaybintii Kaadhadhka codbixiyayaasha ee magaalada Burco oo maalinkii labaad afka la gashay.

Xogahan naga soo gaadhaya Burco ayaa waxay sheegayaan in bulshadii qaadatay waraaqahii codbixinta isla markaana loogu badaley kaadhadhka lafta ah markii ay la tageen goobihii ay iska diwaangaliyeen dad badan lagu war geliyey inaan kaadhadhkoodii goobta oolin iyaga oo u tilmaamay goobo kale.

Goobaha kale ee dadkan loo tilmaamay ee lagu wargeliyey inay kaadhadhkoodii yaalaan ayaa masaafo ahaan ka fog goobtii ay iska diiwaangaliyeen,sidoo kalena qaar kamid ah dadka is diwaangaliyey ayaa gabi ahaanba la waayey kaadhadhkoodi,waxaana dadkaasi soo waajahay jahawareer iyaga oo qaarkood ay garan waayeen goobihii ay kaadhadhkoodu yaaleen.

Dhinaca kale magaalada Hargeysa oo ay iyadana ka socoto qaybinta kaadhadhka codbixiyayaashu ayaa waxa goobaha laga qaaddanayo kaadhadhka codbixinta waxa taagan dad faro ku tiris ah,waxaana dadku ay u muuqdaan kuwo ka niyad jabsan qaabkan ay guddiga komishanku u wadaan qaybinta Kaadhadhka codbixiyayaasha oo doorkan loo habeeyey qaabka ay magacyadu iskugu xigaan (Alphabets) iyada oo halkii xaraf ba goob la geeyey.

Arrintan ayaa dad badan ku ridey niyad jab iyo dad badan ay qaadan waayaan Kaadhadhkooda codbixinta,sababo la xidhiidha goobaha oo kala fog awgeed,waxaana ay saluug ka muujiyeen qaabka ay guddiga komishanka Qaranku u wadaan qorshaha qaybinta kaadadhka codbixiyayaasha.

 

Xigasho Ramaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here