Telefishanka Qaranka Somaliland qeybtiisa laga daawan jiray Thaicome 6 gaar ahaan godkaas aanu kor ku soo sheegnay ayaa iminka hawda ka maqan isla markaana waxaa uu telefishanku iminka u wareegay oo laga daawan karaa god kale oo isla Thaicome 6 ah kaas oo ah Frequency 4114 Symbol Rate 1333
Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya in sababta ay dawlada Qatar ugu suurto gashay in godkaas hore ee telefishanka qaranku ku jiray in ay ka saarto ayaa ah iyada oo laheyd Hosting ka godkaas , isla markaana iyadu ka go,aan gaadhi karto dhamaan telefishankada ku jira Hosting kaas , sida uu noo cadeynaayo shaxda Telefishanada iyo godadka ay ku jiraan ee ku daabacan Website ka shirkada Thaicome .
Shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa ay xidhiidh la sameysay wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxaridiid Cadaani si ay arintani wax uga weydiiso
Wasiirka ayaa shabakada Ilaysnews.com u cadeeyey in wararkaasi ay yahiin qaar aaney waxba ka jirin isla markaana waxaa uu sababta telefishanku uga guurey godkan cusub uu ku sheegay iyada oo ay fiican tahay tayada muuqaalka laga daawan karo godkan cusub ee ay u wareegeen .
” Warkaasi walal waa been Sababta aanu godkii hore uga gurney waxaa weeye godkan cusub ayaa ka muuqaal fiican in badan kii hore in kasta oo kaas hore ba uu muuqaal fiicna ” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland oo khadka telefoonka kula hadlaayey shabakada Ilaysnews.com
Si kastaba ha ahtee dhawaan ayey aheyd markii xukuumada Somaliland ay sheegtay in ay la safatey xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ee xidhiidhka u jaray dalka Qatar .
Ugu danbeyn telefishanka qaranka ayaa waxaa uu caawa baahiyey ogeysiis uu bulshada kula socod siinaayo in godkaas uu telefiishanku ka guuray islla markaana uu u wareegay godkan cusub
Ilaysnews/Hargeysa Office