LAANTA AFKA SOOMAALIGA EE BBC-DA OO LOO MAGACAABAY TIFAFTIRE CUSUB + WAA KUMA?

0
19

Laanta afka soomaaliga ee Bbc-da ayaa yeelatay Tifaftire cusub, ka dib markii xilkii laga qaaday Tifaftirihii hore ee laantaasi oo ahayd haweenay u dhalatay dalka kenya laguna Magacaabi jiray bbc Coriline Koribia.

tifaftiraha cusub ee laanta afka soomaaliga ayaa loo magacaabay in uu noqdo Cabdilaahi Cabdirisaaq, waxaanu dhinaca kale noqonayaa qofkii afraad ee soomaali ah ee laantaasi madax ka noqda.

qoraal kooban oo uu suxufiga Axmed Siciid Cige soo dhigay bogga uu ku leeyahay facebookga waxa uu ku yidhi  “Saaxiibkayo Cabdillaahi Cabdirizaaq ayaa maanta 30june2017
ku guuleystay inuu noqdo tafatiraha cusub ee laanta afka soomaliga ee idaacadda BBC . Hambalyo cabillahi oo sawirkan aan wada sawiranahay . Cabdillaahi wuxuu noqonayaa qofkii soomaaliyeed ee afraad ee madax ka noqda BBCsomali . waxaa sideetameeyadii ahaa madaxa BBCsomali Cabdiraxman Caabi Faarax , sagaashanaadkiina maxamed cabdilaahi , waxaa ku xigay yuusuf garaad oo intii ka danbeysa madax ajenebi ahi soo mareen BBC somali .laakiin maanta uu noqday Cabdillahi Cabdirizaaq oo muddo dheer ka soo shaqeeyay BBC tafatiraha guud .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here