Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Shir Gudoomiyey Kulan Lagaga Hadlaayey Badda Somaliya + Sawiro

0
20

Moqdisho (Saxilnews):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulankaguddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xidhiidha badda Soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xidhiidh joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha.

Waxaana kulanka ka soo soo qeyb galay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka , waxaana dood dheer laga yeeshay qodobadii looga hadlayay.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalka Somaliya , sagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha Somaliya , isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here