GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY OO KU WAREEJIYAY MAAMULKA KALABEYDH ISKAROGO XASHIISHKA LAGU GURO IYO BALANQAADYO AY USAMEEYEEN

0
18

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo ay wehelinayaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmadaasi,iyo Xoghayaha D/hoose ayaa siwadajir ah ugu wareejiyay Maamulka Tuulada Kalabeydh Baabuur iskarogo Dyne ah oo ay ku Sheegeen in ay ugu tala galeen in Khashinka lagaga guro Tuuladaasi, iyadoo Maamulku kormeeray dhamaanba Qeybaha kala duwan ee aasaasiga u ah Bulshada sida MCHka, Dugsiyada Dhexe,Sare iyo Hoose iyo Waliba Sariimada Magaalada Kalabeydh ee Dayac badani ka muuqdo.

Waxa kale oo ay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Amiin Cumar Cabdi iyo Xubno kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi,Xildhibaan Iid Xasan Cabdi,Xildhibaan Buraale Mawliid Cabdi,Xildhibaan Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal,Xildhibaan Axmed Cali Maxamed,iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor,si

wadajir ah ugu kuur galeen Xaalada Magaalada Kalabeydh.

“Waxaan leeyahay Reer Kalabeydh Waxqabadkii aad mudada badan sugeyseen Maantaa idiin kow ah,intaa wixii ka dambeysa waxaan rajeynayaa in ay wax badan oo kale idiin qabsoomi doonaan Sida Saldhiga Booliska,iyo waxa kale ee ay Kalabeydh u baahan tahay oo aan nalooga warameyn oo aanu guntoda soo taabanay,Maayarkaa cusub iyo Golaha Deegaankana usoo duceeya Reer Kalabeydhow wax badan ayay idiin qabanayaan Insha allah”Sidaa waxa Yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi.

“Waxaa noo farxad ah in maanta aanu soo wada marney dhamaan baahiyihii ka jirey Magaalada Kalabeydh oo aanu kormeerney waxaanan ku faraxsanahay,in Baabuurkaasi Xashiishka idinka guraya ee maanta la idinku wareejiyay uu wax badan ka qabo doono baahiyaadka Xashiishka idinkuna khashinka ku dedaashaan sidii aad iskaga ilaalin
laheydeen”Sidaana waxa Tidhi Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo katirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley.

“Maanta waxaanu soo kaxeynay cagafyadii iskarogooyinkii, D/hoose ee Degmada Gabiley si ay u yareeyaan khasinkan faraha badan ee meesha yaala,waanay soo noqon doonaa marar kale, laakiin waxaan idinka dardaareynaa inaad idinkuna khashinka ilaalisaan roobabkii ayaa dhawaan inoo da’aya hadii alle yidhaa  baabuurkaana dayaca ka ilaaliya” Sidaana waxa yidhi Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor.

“Maanta ay bishu abril tahay shan iyo labaatan sanadka 2015ka waxaanu ku suganahay Magaalada Kalabeydh aniga iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Deg Gabiley, iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose saaka
shaqayadaii caadiga aheyd ee Maamul ahaan ayaanu ka bilownay Kalabeydh waxaanu kormeer kusoo gaalaa bixinay,meelaha kala duwan ee Arimaha Bulshada ee dowliga ah Sida xanaanada Dugsiga Sare,Dugsiga Hoose
Dhexe,waxaanu usoo kuurgalney xaalada adeeg ee halkaa ka jirta iyo howsha ay Bulshada u hayaan,waxaan u mahad celinayaa dadweynaha Reer Kalabeydh waxaananu ka gole ahaan ku wareejin doonaa Gaadhigan Iskarogoda ah oo aanu ugu tala galney in ay Kalabeydh lahaato,kana shaqeeyo nafaafada Magaalada baahiyaha Deegaanka ka jira oo ay ugu horeyso Saldhiga iyo Sariimaduna,waxaanu halkan ka balanqaadeynaa ka
Gole ahaan inaanu sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doono” Sidaana waxa Yidhi Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Amiin Cumar Cabdi oo halkaasi ka hadley.

Waxa kale oo uu Gudoomiyihu balanqaadey in ay dhisayaan Dhismayaasha Qabyada ah ee Saldhiga ah iyo Goobo kale oo uu tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan.

Waa Markii u horeysay ee Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee Cusubi kormeer ku gaadho Magaalada Kalabeydh oo ah halka kaliya ee Dakhliga ugu badani uga soo Xeroodo Gobolka Gabiley, waxaana Maalintii alle keenaba D/hoose ee Degmada Gabiley uga soo xerooda Kastamka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh lacag dhan Shan boqol oo Milyan oo Sghilinka Somaliland ah taas oo ay guyaal iyo guyaal ka arneyd Kalabeydh, waxa  uu noqonayaa Baaburkan yar ee Isku roga Dyne kii u horeeyay ee noociisa ah ee adeeg ahaan lagudoonsiiyo Kalabeydh.

Hiiraan Gabiley

berbera2002@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here