Waxaana Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base.
Tababarkan ayaa waxaa uu yahay mid muddo la qorsheynayay, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiis laba dhinac ah oo dowladdaha ay wada gaadheen, kaas oo lagu adkeynayo awooda labada waddan iyo sidii deganaashaha iyo xasiloonida loo darsi lahaa.
Labada dawladood ee Turkiga iyo Qatar ayaa waxaa ay heshiiskaasi kala saxiixden bishii April ee sanadkii 2016.
Waxaa ay aheyd Horaantii bishan markii Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyeen hindise oggolaanaya in ciidamo Turkish ah loo daadgureeyo dalka Qatar.
Dowladda Turkiga ayaa safka hore kaga jirta waddamada taageersan dowladda Qatar tan iyo 5-tii bishan June markii uu soo bilowday khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka iyo Qatar.