Waxaana sidaasi sheegay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka AMB Baashe Cawil waxaana uu tilmaamay in ciidamadu ka qabteen wiilkan airport ka Hargeysa, isagoo u socda Qadar, wuxuu sheegay in ay baadhitaan lagu hayo .
AMB Baashe Cawil oo arintani ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.
Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.
Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.
Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan” Ayuu AMB Baashe Cawil