Madaxweynaha Somaliya Boqolaal Qof Salaada Jimcaha Kula Dukaday Masaajidka Isbaheysiga Ee Moqdisho +  Sawiro 

0
19

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaalruux salaadii jimcaha kula dukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Image may contain: 4 people

Salaada jimcaha kaddib Madaxeynaha ayaa khudbad ka jeediyay masaajidka, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab inay doonayaan inay waji xumeeyaan Diinta Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay caadeysteen inay daadiyaan dhiigga shacabka, isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto

Image may contain: one or more people

“Waxay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamka, iyagoo magac diin sheeganaya ayay hadana rabaan inay daadiyaan dhiigga Islaamka”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu jiro 10-ka dambe ee bisha Ramadaan, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee uu Alle wax siiyay inay caawiyaan dadka masaakiinta ah.

Image may contain: 6 people, people standing

Ka soo muuqashada Madaxweyne Farmaajo ee goobaha fagarayaasha ayaa dhif iyo naadir aheyd, tan iyo markii xilka loo doortay, dhowaan ayay aheyd markii uu Garoonka kubadda cagta ee Stadium Banaadir uu meel fagaare ah kula hadlay shacabka, xilligaasoo la dhigayay banaan bax lagu taageerayay waxqabadka boqolka maalmood ee uu xafiiska joogay.

Image may contain: 4 people

Ammaanka Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ayaa si aad ah loo adkeeyay, intii uu Madaxweynaha salaada jimcaha ku dukanayay, waxaa la baadhayay dadka galayay masaajidka ee salaada ku dukanayay, iyadoo wadadana la xidhay

Image may contain: 1 person, suit

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here