Shan Nin Oo Xadhig Ku Mutaystay Soon Ay Ku Jabiyeen Goob Dadweynuhu Isugu Yimaado

0
21
Bizerte (Saxilnews):- Dalka Tuunisiiya, ayaa xabsiga u taxaabay shan nin oo soonka ku hor jebiyeydadweynaha hortooda, iyagoo sigaar ku cabay meel dadweyne isugu yimaad sida hay’adda Amnesty International sheegtay.

Image may contain: ocean, sky, outdoor, water and nature

Raggan oo badankooda lagu xukumay bil xadhig ah waxa ay si badheedh ah soonka ugu jabiyeen goobo dadweynuhu isugu yimaado, iyagoo lagu xukumay in ay meel kaga dhaceen karaamada shacabka magaalada Bizerte oo ku taal waqooyiga galbeed ee Tunis.

“In qof lagu xukumo sigaar uu cabay iyo cunto uu goob shaaric ah ku cunay waxay meel kaga dhacaysa xorriyada iyo xorriyada dhaqanka,” ayuu yidhi Heba Morayef oo ah Agaasimaha Cilmi-baadhista Waqooyiga Afrika ee Hay’adda Amnesty International.

Dalka Tuuniisiya waxaa ka yaala sharci adag oo ah in goobaha dibada wax lagu cuno xilliyada ramadaanta, iyadoo qofku xadhig ku mutaysanaayo haddii uu soonkiisa ku hor jebiyo amma ku hor cuno dadka waqtiga la sooman yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here