Mareykanka Oo Diyaaradaha Dagaalka Ee F-15 Iyo Saanado Militery Ka Iibiyey Dalka Qatar + Xoghayha Gaashandhiga Mareykanka Oo Maanta Ka Degay Dalka Qatar + Sawiro 

0
20
USA (Saxilnews):- Qatar iyo Maraykanka oo Kala Saxeexday heshiis qiimahiisu ku kacayo 12 Bilyan oodollarka Maraykanka ah oo dalka Qatar ay kaga soo iibsanayso Maraykanka Diyaaradaha F-15 Fighter jets iyo weliba saanado militery.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Maanta waxaa magaalada Doha, ee xarunta dalka Qatar ka degay xoghayaha gaashandhiga ee dalka maraykanka Jim Mattis, wuxuuna la kulmay dhigiisa dalka Qatar Khalid Al Attiyah, labada dhinac ayaa kala saxeexday heshiis qiimahiisu ku kacayo 12 bilyan oo dollarka maraykanka, oo dalka Qatar ay hub, diyaaradaha dagaalka iyo saanado militery kaga iibsanayso dalka maraykanka.

Mr. Mattis xoghayaha gaashandhiga ee dalka maraykanku wuxuu sheegay in Qatar tahay saaxiibka ugu horeeya ee dalka maraykanku leeyahay, wuxuuna raali ka bixiyay hadalka ka soo baxay madaxweynahiisa.

Source:-Al- Jazeera

 Halkan Guhi Oo Ka Akhriso Warkaas 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here