Maayarka Berbera Hala Xisaabtamo Gaadiidka Waawayn (Iska ragooyinka) Burburiyey (Baabiyey) Wadadii Qaaliga Ahayd Lacagta Badani Ku Baxday

0
19

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey magaalada Berbera si xawli ah uga shaqaynayey gudaha magaalada Berbera Iska Rogooyinka waawayn ee qaada iyo dhagaxa culus kuwaasi oo tankoodu aad uculus yahay ayaa waxay sababeen khasaare xoogan oo ay ugaysteen wadooyinka quruxoon ee lagu tabcay kadib markii ay hadh iyo habeen ay wadada u isticmaaleen si anshaxa ka naxsan

Taasin waxay keentay inay guud ahaanba ay burburaan laamiyada halbawlaha u ah magaalada Berbera ee dhawaan ay sameeyeen golaha deeganka ee magaalada Berbera isla markana ay ku baxday lacag aad u qaali ah loona qaabeyey hab casri ah kuwaasi oo min guuriyey muqaalkii hore ee burbursanaa una bedelay muqaal qurxoon oo soo jiidasho leh kuwaasi oo aad moodaysid mararka qaar inaad dhex talaabsanayso ama aad lugaynayso wadiiqada yar ee ku lamaaan laamiga qurxoon ee lagu tabcay

Balse laamiyadii qurxoona wakhtigani waxaa ka muuqata sawir cusub oo ah burbur iyo baaba lixaad leh oo kusoo fool leh kadib awooda ka culus ee hadh iyo habeen maraysa ama sifaha khaldan ee bilaa tudhaalaha ah loo marinayo iska rogooyinka ay wataan muruq maalma buuxinaya raasiga berbera ee sid wayn loo hadal hayey mudooyinkii danbe

Hadba waxaa waajib ah inaynu gole iyo shacaba la xisaabtano iska rogooyinka aan u aabo yeelayn wadooyinka qaranka iyo shacabku leeyahay una isticmaalaya hab ka baxsan wada yaasha tusaale ahaana waxaa ka muuqata wadayaasha gaadiidka lix jeclo la,aan iyo khibrad xumo ay u qabaan isticmaalka wadada waayo waxay si bilaa taxadar ah ujiidhayaan dhismayaasha sida farshaxanka ah loo sameeyey ee laamiga casriga ah ee Golaha deeganku hirgeliyey dhamaadkii sanadkii tagay iyo kan cusuba

Gabo gabo ahaan waxaan ku afmeeri lahaa qoraalkaygan kooban halala xisaabtamo gaadiidkan culus ee laamiyada faras magaalada ah baabiyey

Image may contain: sky, cloud and outdoor
Image may contain: sky, cloud and outdoor
Image may contain: sky, cloud and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here