Asmara(Saxilnews)Dawladda Eritrea ayaa bedeshay mawqifkii ay marka hore ka qaadatay xiisada diblomaasiyadeed ee dalalka gacanka carabta, waxaanay taageertay xulafada uu hogaaminayo sacuudi arabiya taas oo ka dhan ah dalka Qadar.
War qoraal ah oo uu soo saaray wsiirka warfaafinta Dalka Eretrea ayaa wxca uu ku sheegay in ay la jiraan wadamada sacuudiga iyo xulafadiisa isla markaana ay ka soo horjeedaan dalka qadar.
“Go’aanka Arrinta Khaliijka Waa In loo gaadhaa si taxadar leh, Eretrea ahaan waxa aan si buuxda u taageeraynaa sacuudiga iyo dawladaha kale ee xidhiidhka u jaray dalka qadar” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay dalka Eritrea.