Riyaad(Saxilnews)Dawladda Sacuudi Arabiya ayaa beenisay in dadka reer Qadar laga mamnuucay in ay soo booqdaan dhulka barakasayn.
U qaybsama xaramka iyo masjidka Nabi Maxamed (S.C.W) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararkaasi isla markaana ay yihiin kuwo laga been abuuray
Waxa uu intaasi ku daray in wararkan lagu qaadaa dhigay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, sidoo kalena Telefishanka Aljazeera uu si khaldan u baahiyay.
“Markay taariikhdu ahayd 9/9/1438 (June 4), waxa dalka sacuudi arabia soo booqday dad gaadhaya 1,633 oo reer qadar ah kuwaas oo gudanaya cumrada” ayaa lagu yidhi war kooba.