Axmed Cabdikariim Maxamed oo loo yaqaano (Axmed Biif) ayaa sheegay in uu sidaa kaga baxay Fankii uu muddoda ku soo jiray isaga oo bulshada Soomaaliyeed u sheegay in ay sidaa ugu soo duceeyaan oo uu faraha ka qaaday Fankii uu ku jiray muddoda
Axmed Biif oo go’aankaan ku tilmaamay midkii ugu cuslaa nolashiisa, ayaa ummadda islaamka ka codsaday inay usoo duceeyaan. Waxaana uu sheegay in uu noqon doono Sheekh diinta Alle ka shaqeeya.
Fanaanka ayaa waxa uu sidaasi u sheegay isagoo ku sugan masaajidka barakeysan ee Xaramka waxaanu go’aankaasi u sheegay Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo kamid ah culimada reer Somaliland iyo Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha caddaalada xisbiga Waddani oo ay isku arkeen barxadda Masaajidka Xurmada Leh.