Doha (Saxilnews):- Dawlada Qatar ayaa waxaa ay bilowdey dedaalo ay ku dooneyso in xal looguhelo xayiraada ay ku soo rogeen qaar ka mid ah dalalka khaliijku.
Wasiirka arimaha dibada dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani oo booqasho ku tagay dalka faransiiska ayaa kulamo la leh qaar ka mid ah madaxda midowga Yurub
Wasiirka ayaa sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay xal u hesho khilaafka balse aanay diyaar u aheyn inay wax gorgortan ah ka gasho siyaasada arimaha dibada iyo arimaha gaarka u ah iyada waxaana uu yidhi
” Siyaasada arimaha dibada waa mid aanu u madax banaanahay isla markaana aan ku saleyno waxaan u aragno wanaaga iyo wadada saxan arimaha gudaha Qatarna waa kuwo aan u madax banaanahay anugu , sida telefishanka Al Jazeera marnaba arintaas cid gor gortan kalama galeyno ” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani