Hargeysa (Saxilnew) Inaa Li-laahi Wa Inaa Ileyhi Raajucun:— Alle haw naxariisto Cabdinuur Gaafow Aboorrey oo Hargeysa ku geeriyooday……. ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan haka siiyo, marxuumku waxa uu ka tirsanaa bahda warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefishanka qaranka.
Marxuum Abooray ayaa mudo badan ku soo shaqaynayay sawirqaade-nimo isaga oo la soo shaqeeyay goobo badan oo warbaahineed.
Bahda shabakada Hangoolnews waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii asxaabtii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Sawir-qaade Cabdinuur Gaafow Aboorrey in Illaahey samir iyo Iimaan ka siiyo